Hoostaa ka cab: Meel kasta waad ka dhargi
Qac baa kaa yeedhi: Waad rafaadi
Inama saarna: Ma dhawa
Ha dhay lulin: Ha dadajinin
Yaysan kaa hoos bixin: Ha illaabin
Qaab isku yeel: Is hagaaji
Waa indha daraandar: Waa qurux miidhan
Waa show: Aad maaha
Horay u soo fadhiya: Aan xishoonayn
Way isla eg tahay: Xaaladdu waa caadi
Fujur ma dhinna: Way dhan tahay
Way kaga dhagtay: Wuu ku soo celcelinayaa
Way maraysaa (Way shidan tahay): Way xarragoonaysaa (Way qurux badan tahay)
Wiil shawtal ah: Wiil dhallinyaro ah
Neef beerkiisa la qaniino ma leh: Waa caydh
Dayaxaan ku xabkaysan: Waxba ma haysto