Maansada lacag

Lacagey dhib baa tahay

Dhagar iyo dil baa tahay

Dhiig miidhan baa tahay

Gacan hoos ka dhiib iyo

Gubbo lagu dhintaa tahay

Dheef kalaad is mooddaye

Dhididkii dadkaa tahay

Lacagey dhib baa tahay

Geesiga aqoon dheer

Dhagax lagu dakhraa tahay

Adoon dhalashadaa garan

Dhafoor taabad badatiyo

Dhulka oo dab lagu gubay

Biro laga dhalaashiyo

Saan la dheegay baa tahay

Lacagey dhib baa tahay

Dhallinyaro nadiifiyo

Maskax dhaawac hore qabin

Dhaandhaamiyaad tahay

Tuug habeen dhacaayoo

Middi dhinaca haystiyo

Dhukusiyo dusaa tahay

Lacagey dhib baa tahay

Mataanaha dhul wada liyo

Derisyada is dhinacyaal

Kala dheelmiyaa tahay

Sheydaankii dhan xiir ee

Muuminiin sujuud dhacay

Intuu kala dhex joogsaday

Midba dhinac tusaa tahay

Macagey dhib baa tahay

Dhawaaq leyska yeedhiyo

Faataa dhug baa tahay

Ina faan la dhoobay

Dhaldhalaalka beentiyo

Waxba dhalalag ha ii tumin

Lacagey dhib baa tahay

Dhaygag iyo naftaydii

Dhakafaarka galisaye

Dhalanbaabis yahay xumi

Dhaqashada biyaha iyo

Caanaha la dhama iyo

Dhirta midhaha bixisiyo

Beerahaa ku dhaamee

Dhaawicii ammaankaay

Waxba yaad i dhoofine

Dhulka cagaha ii saar

Dhaqaalaha aan ka deydee

Lacagey dhib baa tahay.