Q-2aad taxanihii adeegto

Waxay ahayd barqo dheer, qorraxduna aad u kulushahay. Kulaylka qorraxda waxaa u sabab ahaa waqtiga markaa la joogaa ahaa kaliil cirku aad u kacaansan yahay. Meesha markaa la joogo dhawr iyo toban beri ka hor ayaa hogol aan sidaa u weyneyni qabatay. Iyadoy kala jaban ahayd darteed ayaa cido badani isugu yimaadeen hogoshaa yar.

Ciduhu waxay meesha degeen ka hor intaan naqba soo bixin taas oo inta wixii soo bixi lahaaba cagta la mariyey lagu tuntay. Cuudkii isugu yimid aad buu u tira badnaa isagoo nugul la marraa. Coodkaasi aad buu u hawl iyo baxsad badnaa. Dadku dhaqaa dhib iyo shiddo dheeraad ah bay ku qabeen coodkaas, iyagoo weliba ay u dheerayd kulka, hanfiga, caqashada iyo cunto yaraanta. Markaa weli lama gaarin gamashigii guga oo ah marka inta geeduhu aad u baxaan coodka oo dhalay caano badiyaan, naaxaan, hawl yaraadaan. dadkuna inta badan iska baruura daacsadaan.

Gamashigu waa marka dhallinyaradu inta qooqdo cayaar gud, xodxodasho, haasaawe, isla bixid, aqal gal ama aroos. ardaagal iyo wax la mid ah ka bixi weydo. Welise lama gaarin gamashigii. waana la sugayey, inkastoo xilligu u muuqday mid inta kala jaban dhigay la wada ciirsan yahay. Raggii ka xiddigin jireyna ay quus ka taagan yihiin.

Waxaa intaa dheeraa iyadoo la soo maray jiilaal aad u dheer, dad iyo duunyana la wada duukhayo markaa iyada ah. Wixii hanti mood la haystana waxaa la shitay intii jiilaalka ahayd. Caano ma jiri karaan oo coodku doon, duqo qaad iyo solog luu u batay. Sida badan waxaa loo habeen dhaxaa in la caataysto ariga doonka ah taasoy weliba sii dheerayd iyadoo biyaha laga dheeraa omosna dadka culays ku hayey. Jirrooyin badan oo calool xanuun, shuban ah ayaa dadku badiba la kulmaa, hilibkaa caatada ah darti. Magaalooyinka sidaa looguma degdego lacag la’aan darteed.

Si kale uma garatide dhankii la eegaba dadka dab ayaa kaga shidnaa. Waa lays wada naçay. waxaana tiradii ka batay xoolaha iska baqtiyaya jirro iyo caataba ee meel walba aad ku arkaysid neef fuuray, mid lafa ah ee kol hore dugaag iyo haadi feeriteen.

Dugaaggii ayaa isna ku mamay coodkaas qubanaya wuxuu geystay faro dheeraad ah. Dugaagga waxay u ahayd naq-deg iyo barwaaqo ama kala guran waa. Coodka oo keliya inuu cuno kuma ekayne dadkii ayuu u soo dhigtay. Dad badan ayaa libaax qaatay oon lays weydiin meelay mareen welina soo cad. Kuwo badan ayaa inta laga dhigay iyagoo si xun u dhaawacan la dhaydhayaa. Goobo badan yaa rag hub sita iyo libaaxyo dad qaad ahi isku haleeleen, markii bay libaaxdu ku gacan sarreysay inkastoo dhaawac lagu kala dheelmaday.

Ma dhacday ahayd in neef dibbooday caawo baryo, qof dibad baryeyna libaax ka nabad galo.

Iyadoo dhan dugaaggaas laga fiigsan yahay dhammaan dadkana harga waraabe alla u tuuray, dhan kale baahidii, oonkii iyo hawshii xooluhu tiradii iyo culayskii ka bateen ayaa haddana dadku waa is-dhaamaye Maryan waxay ahayd inan aan da’deedu sidaa u weyneyn, markaas qurdatay, muuqaalka ama hanaqaadkeeduna uusan falfalacsanayn, noloshay ku kortey oo adkayd darted. Waxaan oran karaynaa hagaas bay ahayd sababta nolol xumada darteed.

Maryan waxay la noolayd aabbeheed iyo aayadeed oon iyada sinaba u jeclayn, Maryan hooyadeed waqti ka hor ayaa aabbaheed furay kaddib markay iyada oo keliya dhashay ilaa iyo markaasna Maryan may aqoon meel hooyadeed adduunyada kaga nooshahay iyo iyada naf ahaanteedaba.

Maryan waxay u go’nayd oo raaci jirtay ari aan tira yarayn oo ido iyo riyaba leh. Wax dhiiqa ma lahayn arigaasi, hadduu yeeshana iyadu awood umay lahayn inay maasho nafteedana uga faa’iideysato. Hawsha ariga iyadaa iska lahayd, manaaficaadkiisana aayadeed iyo ilmahay dhashaye iyagu aan war hayn ee hadba wixii la siiyo iska cuna.

Laga yaabe in Maryan ariga caano ka dhadhamiso, waase hal mar oo keliya. markii dadka intiisa kale sanka ka soo celiyaan. Waxaa intaa dheeraa waqtigii markaa la joogay arigu wax irmaan ma lahayn waxa uu lahaa oo kaliya dhib iyo rafaad, hilib caata ah iyo harag aan ninna rabin.

Maryan iyadoo waxaas oo dhibaato ahi haystaan ayayan haddana ku nabad geli jirine, cawo iyo maalin waxay ahayd mid dil, xaarxaaro, habaar, hiif iyo dibindaabyo joogto ah kala kulanta aayadeed oo iyadu iyadoon waxba dhiqin xoolana aan war u hayn had iyo goorba gurigeeda dhexdiisa ilmaheeda ku ciyaarsata.

Maryan dhibaatadaa culus ee joogtada ah darteed ayay inta baydadday ama fiigtay, wixii la hadlaba waxay moodaysaa inay dilayaan. Masruuf ama biil ayey dilistu u ahayd. oogadeeda nabarrada ku yiil way tiro beeleen.

Aabbaheed waa iska dheg weyn aan sidaa wax u danayn. Mar mar ayaa laga yaabaa inuu naagtiisa oo si xun u rifaysa arkoo xaarxaariyo kana qabto, inta badanse wuxuu u qaataa dilista Maryan la dilayaa inay tahay lexjeclo iyo coodkoo la rabo in si fiican loo dhaqo.

Maryan ama ha la dilo ama ha lala hadlee ma hadasho, maxaa yeelay cid ka guraysaan jirinba. Degaankey ku noolayde aadka cadowga ugu ahaa darteed ayayba noqotay qof mucaqad ahoo aan sidaa wax u galin, aan nixin, qoslin, farxin, hadallada dadku kala wada hadlayana aan sidaa u danayn, maxaa yeelay dadkoo dhan cadow ayay u haysatay…