Gudaha Qof walbo oo naga mid ah waxaa ku keydsan “Maskax awood weyn”, u jeedka warbixinta ma ahan in wax cusub aan idinla wadaaga, waxa aan doonayaa in aan idin xasuusiyo “Keydka awoodda badan” ee Ilaah Sw gudaheena dhigay.
Xaqiiqonews.com
isl marka aad soo gaartay da,da 21 sano, maskaxdaada wa ay buuxdaa waxa aadna aaminsantahay waxyaabihii aad ka soo baratay Waalidka, Qoyska, Saaxibada, Bulshada, Iskoolka iyo Warbaahinta, waxaana intaasi kuu dheer wixii adiga naftaada aad ku darsatay.
Nasiib Darro, 90% waxyaabihii aan soo baranay waa waxyaabo ka hor imaanaya awoodaha dabiiciga ee maskaxda , “adiga waxaas ma sameyn kartid” “Sidaa lama yeeli karo” iyo oraahyo kale oo xadidaya awoodaheena ayaan maqalnay, hadda waxaan diyaar u nahay in aan dayacno awoodaheena nagu keydsan!.
Awood intee la eg ayey leedahay maskaxdeena, si aan u ogaana heerka ay gaarsiisantahay dayacaadeena?
Maskaxda aadanaha waxa ay ka goobantahay 150 bilyan oo unug oo caqli leh, sida uu qoray Dr Harbert oo ka tirsan jaamacadda Harvard ee Mareykanka, buugga ciwaankiisu yahay (Daawo, iyo Awood aan xadidneyn) waxa uu ku leeyahay Herbert ” hadii tirinta aan ka bilowna kow ilaa aan garo 150 bilyan.. waxa ay nagu qaadaneysaa 5000 sano !!! bal ka fikir !!! awoodaha caqliga waa kuwa aan xadidneyn.
Kontomeeyadii qarnigii tagay culimada sayniska waxa ay u maleyni jireen in aadanaha uu isticmaalo 50% maskaxda, lixdameeyadii waxaa la soo saaray in aan isticmaalno oo kaliya 20%, todobaatameyadii waxaa la sheegay in aan isticmaalno 10%, sideedameyadii waxaa la odorsay in maskaxdeena aan ka faa,ideysano 5% oo kaliya, sagaashameeyadiina waxaaba la yiri kama faa,ideysano waxaan ka aheyn 1%.
hadda, buug uu qoray baare Mareykan ah oo ciwaankiisu yahay “The Sixe “f”S” waxaa ku qoran “Maskaxdeena kama faa,ideysano waxa an ka aheyn 0.1%.
Waa arin yaab leh marka dadka qaar ay leeyihiin “Xasuusteyda waa eber” waa kan Dr Herbert oo ka sii sheekeynaya awoodaha maskaxda “sida deg deg ah ee caqliga uga jawaabaya fikradaha waxa ay ka dheereysaa socodka Iftiinka oo halkii ilbiriqsi jaraya 300,000 Km/ilbiriqsi”
Hadii aan u baahano in aan ka sheekeyno awoodaha maskaxda waxa aan u baahanahay bugaag ka culus miisaankaada, mana ku soo koobi karno qormo ku qoran website iwm, qoramadan halkaas ayaan ku reebeynaa.