Maanso dagaal baa iga macaashay

Abwaan soomaaliyeed, wuxuu inoo muujiyay dareen aynu wada ognahay.

Dadkeygu markuu islaayay

Dagaal baa iga macaashay

Rasaasi hadday wax duugtay

Dalkooda kuwii ku hoyday

Ka nool bay darisyihiine

Waxaa damqashaygu haysa

Xasuusina dayn ka raynin

Malyuumaadkii dawaafay

Intuu dalandool fogeeyay

Didmada carra-edeg ku dhaafay

Sidaan dibba ugu helaynin

Ayaa raacdiyo ku daal leh

Dagaal baa iga macaashay

Dunidu geedahay cuntaaye

Meel ay duunyadeen ku nooshay

Dugaagguna keynta buuxo

Dadkuna gaajo oogu hoobtay

Duruufaha yaabku keenay

Bal daba soco heerrimaadka

Dagaal baa iga macaashay

Siduu ii degay gumayste

Siduu ii docadoceeyay

Siduu ii laba dibleeyay

Siduu dabar iigu giijay

Siduu dabin iigu qoolay

Siduu ii diga gubaayay

Siduu ii qaran dulleeyay

Siduu ii daadumeeyay

Dagaal baa iga macaashay

Haddaan been dayrin waayo

Intaan runta daadahaysto

Haddaan dacwad jeedin waayo

Anaa ina geeda diir ah

Dirkiisana been ka sheegay

Dagaal baa iga macaashay

Haddaab doolaalo dheere

Intuu iga dilay ka qaadin

Haddaan ina diimuqraaddi

Magtayda u doonan waayo

Haddaan doonyaha galbeed

Diiwaan tarakoob hor geynin

Badrool baa leygu dilaye

Haddaan ina darawal oo dhan

Shidaalka u diidi waayo

Anaan ina geeda diir ah

Dirkiisana been ka sheegay

Dagaal baa iga macaashay

Ninkii ilbaxnimo ku doobyay

Qumbula durriyuhu samayey

Hadduu dunidaba rogaayo

Maxaan horu socod ka dooni

Intaan dadka wada tallaalo

Haddaan qarnigii darraato

Dib ugu hayaamin waayo

Awowgey doobbi xoorre

Iyo ayeyday kebed dufaaley

Markaan xeerkoodi doonto

Dadkeyguna xiiqa daayo

Intaan deyr nabad ah ooto

Duleedka intaan fadhiisto

Haddaan dooyeysan waayo

Anaa ina geeda diir ah

Dirkiisana been ka sheegay

Dagaal baa iga macaashay.