Q-3aad taxanaha adeegto

Herd of goats on mountan meadow

Aayadeed waxay aad u tiqiin tirada iyo suuradinta ariga taasooy mar alla markay ogaato in wax maqan yihiin sidii Shabeel ceesaan arkay ugu soo haliisho iyadoon waxba weydiin.

Galabtii dambe ayaa waxaa dhacday in goorey makhrib ahayd arigiina soo xeroonayo aayadii ay towday orgi kali ahaay ee ariga ku jiray. Aayadii dhawr jeer ayay aad ugu noqnoqotay indha-indhayntiisii, waxay ogaatay in orgigaasi maqan yahay. Mid shaki ku jirta ma ahayn in, marba neef isha sidaa loogu hayey hadduu maqan yahay, la xaday.

Maryan oo horayba u tawsanayd orgigaas; halgaadaha ku imaan doonana horey ugu soo talo gashay. ayaa aragtay in aayadeed tawday orgigii. waqtigu markaa waa habeen, makhrib himhimow ah, aryowgii xeroodeen. geelashiina soo dheelmad habqamayaan. Waxaa iyana cidaha kuurka u wada fadhiya libaaxyadii dad qaadka ahaaye meelahaas wax ka jeeqaaqaya.

Aabbaheed ama odaygii reerku wuxuu weli ku maqnaa soo dheelanka halo dhawr ah iyo gaadiidkii cidda.

Maryan aragtay in lagu soo socdo, aayadeedna iyadoo tib weyn sidata ay soo melebsanayso. Way tallantay oy is tiri maxaad yeeshaa, labada dhanba u daran oo hadday sugtana tibtaas ayaa ka meel waayeysa. hadday carartana waxa ka horreeya waa libaax iyo dugaag aan u daahayne haddiiba kala jabsanaya.

Waa markii ugu horreysay oo hadal nooli Maryan afkeeda ka soo yeero, iyadoo tiri, “Wallee caawa mindhaa ima dishid saan kuma sugayee. Dilkaagana in haddaba libaax i cunaan ka doortay, maxaa yeelay haddaan mar horaba libaax isa siin lahaa intii horay naftaydu dhibaato u aragtay uma aragteen. Mar keliya dhimoo nolosha baasu ha ku daysaa dhaanta, noolow oo silic ku noolow”.

Maryan hadalkaa markay lahayd way sii ordaysay iyadoo aayadeed tib ka daba sidato. Labada Maryan ayaa dheereysay haddiibana intay ka go’day bay libirtayba. Aayadu intii horoo dhan ma rumaysan ilaa ay dhaqdhaqaaq dambeba ka weydey.

Tibteedii bay inta dib ula soo laabetay iyadoo weli hiif iyo habaarkii wadda arigii dibadda joogay xeraysay. Goobtaas waxaa isugu soo haray aayadii. arigii iyo dhawr carruuray dhashay. Cabbaar ayay sugtay ayadoo aad uga rajo qabtay Maryan soo noqoshadeeda. Saacado ayaa tegay. wax sharqan ah ma leh. Mar dambe ayaa waxaa soo yeeray geela shanqadhiisii waxaana waday odaygii iyo wiil uu naag kale ka dhalay oo Maryan ka yar, hooyadiina la furay isagoon dhalan.

Aayadii intay faraxday bay is tiri malaha Maryan geela ayay la imaan doontaa. Geelii soo xeroo, Aayadii waa indha-indhaysay ma ayse arag Maryan.

Odaygii markuu geeli xerada ku hubsaday ayuu xirxiriddeedii wiilkii u dhaafay. isagoo kab ka go’day laadlaadsanaya, sina u dhutinaya, wuxuu isku soo tuuray ardaagii aqalka oon sidaa u gogol iyo kashkaash wacnayne galgalin u eg. Aah — waaba daalaye sidee loo degey’ Naa bal wax igu soo qabo haddaad haysid,” ayuu hadal ka yiri.

Reerku biyo sidaasa ma haysto. Waxaa u sii daba leh qarroor haan gunteed ku jira. Biyaha aad baa loo tashiishaa, sida badanna waa laga soomaa iyadoo loo baahan yahay, iyadoo lays leeyahay mar marka la joogo ka daran baa iman doonee haloo toog hayo. Sababtu waa meesha la joogu oo iyadu oomane ah ceelashuna aad uga dheer yihiin. Dhaanku afar ama shan ayuu dhaxaa. Biyaha sida badani waxaa la cabbaa markay nafcelis ama dhuuni yihiin mar mar si jidiin qoys ah ayaa la isugu jilaa. Wax si toos ah uga haqab la’ waxaa jira aayada iyo ilmeheeda yar yar oo iyagu gurigooda aan ka bixin.

Aayadii oo dhan orgigii ka ciil qabta, dhan Maryan cararkeeda ka ciil qabta sina u qaadan la’, dhan kalena ka yamxeerineysa biyo la’aanta ayaa inta si kulul hadal tufayo ku jirto waxay u tiri, “Wallee ama daal ama daayoo orgigii keli ahaaye reerku lahaa caawa waa maqan yahay, biyona u malayn maayo in gorgor ku harey haanbaasta — inay daadisaan u malaynayaa. lntii hadalkii la hayey ayaa inankii reerkuna ardaagii soo fariistay. Aayadii oo markii hore u hinqatay inay bal haanta soo qarrooriso ayaa markay inankii aragtay ka hakatay hawshaa iyada ah. waxayna dib ugu dhigatay mar kale marka la kala seexdo.

Odaygii ayaa yidhi, ‘Yaab, naa ma orgigii weynaa mise waabad igu ciyaaraysaa?”. “Waad arki doontaa haddaan kugu ciyaarayo iyo haddii kaleba“,xaaskii oo si u neef tuureysa ayaa tiri; ‘Meeday tii baase ariga la raacshay?” Odaygii baa isagoo si u xanaaqsan yiri.

Su’aashaas markay timid ayaa xaaskii dhan ka naxday oo is tiri haddaad inay carartay sheegtid armaa qayladu dalluunta. dhan kalena is tiri Maryan ku sii buuxi si adiga dooddu kaaga wareegto. Waxayna tiri, iyadoo hadalkeedii laga garanayo inay been sheegeyso. “ma aqaan, hadda meeshay taagnayde bal u yeera idinkay idin maqlaysaaye”…