Sheeko boqor

Bari baryaha Ilaahay ka mid ah waxaa jiri jaray nin boqor ah oo xukumi jiray meel buuraley ah. Boqorku wuxuu ahaa nin maamul gurracan oo dadkiisa dhibi jiray, mana jeclayn in runta la sheego. Qofkii maamulkiisa wax ka sheega wuxuu mudan jiray xabsi dheer ama wuu dili jiray. Sidaa darteed, dadku way ka baqi jireen in ay runta u sheegaan boqorka. Maalintii dambe ayaa nin Barre la yidhaahdo u baxay magaalada duleedkeeda si uu u soo kormeero beer weyn oo uu halkaas ku lahaa. Wakhtigu wuxuu ahaa xilli gu’ ah oo barwaaqo ah. Ninkii siduu u soo socday ayuu soo dhexgalay keyn jiq ah, oo shimbiro kaliya ka dhex heesayaan. Markii Barre xoogaa dhex socday keynta ayaa wax la hadleen. Inta uu yaabay ayuu eegay hareerihiisa, waxna ma uusan arag. Haddana mar kale ayaa lala hadlay sidii oo kale ayuu hareerihiisa eegay. Markii uu dhawr tallaabo qaaday ayuu arkay madax go’an oo keynta dhexyaalla oo la hadlaya. Ninkii baa carar maagay, haddana wuu istaagay. Markaa ayuu madixii hadlay, ku yidhi: “Ninyahaw i maqal. boqorka magaaalada xukuma runta ma jecla, qofkii runta sheegana wuu dilaa, anigana waxaa la igu dilay boqorka iyo maamul xumadiisa oo aan cambaareeyay”. Ka dibna madixii waa uu aamusay. Barre oo maqli jiray maamul xumada iyo caddaalad darada Boqorka lagu xaman jiray ayaa xaqiiqsaday in wixii la sheegi jiray ay dhab yihiin. Markii uu galabti magaalada ku soo laabtay ayuu uga warramay saaxiibbadii wixii uu maanta soo arkay. Warkii ayaa fiday oo qofba qof u sheegay. Ugu dambayntii warkii waxa uu gaadhay boqorkii. Boqorkii oo aad u yaabban ayaa ku yidhi shaqaalihiisii: ” Bal iigu yeedha ninka beenaalaha ah ee yidhi waxaan arkay madax hadlaya”.  Barre ayaa loogu yeedhay boqorkii, waxaa uuna weydiiyay: ” madaxa kula hadlay ma wax jiraa? mise waa hadal aad adigu samaysatay? maxaadse bulshada jaahwareerka u galisay, oo weliba aniga aad beenta iiga sheegtay? Barre oo aad u naxsan ayaa boqorkii ku yidhi: “Boqorow aniga oo keyn halkaas ah maraya ayaa uu madax go’an ila hadlay, oo igu yidhi, boqork idin xukuma runta ma oggala, qofka u sheegana wuu dilaa anigana run aan u sheegay ayaa la igu dilay”. Boqorkii oo cadho darteed, wejigiisu is baddalay ayaa ku yidhi ilaaladiisii: “Weligay ninkaan ka hor ma maqal qof dhaliilay maamulkayga Annagu awal waan ogayn in aanu madax la jaray hadlayn ee ninkani waa nin ku talogalay in uu na aflagaaddeeyo, been-abuurka uu naga sameeyayna, wuu ka shallaayi doonaa. Haddana ha la i dhaafiyo, oo ha la dilo, oo dib dambe yaanan u arkin”. Halkii ayaa barre isaguna lagu dilay oo seef madaxa lagaga gooyay. Dadkii magaalada degnaa markay maqleen in barre la dilay ayaa waxay ogaadeen in boqorku uusan jeclayn in runta loo sheego, qofkii runta sheegana uu dilayo. Dadkii inta ay aad u cadhoodeen ayaa ay go’aan wadajir ah ku gaadheen in ay habeen madaw boqorka magaalada uga guuraan. Ugu dambayn boqorkii oo boqortooyadii ka baaba’day ayaa ka qoomameeyay xadgudubyadii uu geysan jiray. Muddo ka dib boqorkii isaga oo gaboobay ayuu meel cidla’ ah darxumo ugu dhintay.