Dadow qurux maad ogaane
Waxaan heeskan kuugu qaaday
Inuu qofwaliba ogaado
Waxay tahay quruxda aadmi
…
Quruxi midab door ah maaha
Qof baa maarriin ah maaha
Qaraari caddaan ah maaha
Madaw sida qadaw ah maaha
Casaan u qushuuca maaha
Midbaa qori gaabanoo
Mid baa qool baxay ah maaha
Hadduu midi soo qandoodo
Mid baa qun u dhalada maaha
Qolaa qolo kale ka fiican
Qofkaa moodaaya maaha
…
Dadkuba waa qoys ballaadhay
Intuu qofku midabba dooran
Waxaan qisadawgu sheegay
Allaa qaddaroo adduunka
Qofow maba lihid samaynta
Haddana lama qadininoo
Ka quuso lamaba lehee
Adduunyada qaayeheeda
Inuu samo ugu qalqaalo
Haddii qofka loo abuuray
Ha sii qurxiyey ahayde
Hadduu qubo saw gef maaha
Tusaale ku qaado oo
…
God bay qarandiyi qoddaa
Sagaal qariyaal jiraya
Qormay noqotaa dhaxala
Dugaag ku qarsado dhashiisa
Haddaan qarandiba ammaanay
Qofow qarnimaad jirtaaye
Wax qiima leh reeb adduunka
Tusaale ku qaado oo
…
Adoo talo sii qalqaalay
Wadkaadu hadduu ku qaado
Qabriga way ka hadhisaayoo
Quruumihi kaa dambeeyay
Iimaan samiray qabaane
Waxaad qabataa u yaale
Qofow qarni baad jirtaaye
Wax qiima leh reeb adduunka
Tusaale ku qaado oo
…
Kuwii dhaqankow qabbaanay
Weliba xeer qodobbadiisa
Qoraal dhegaley ka reebay
Inuu qofku nabad ku daaqo
Qaddarin iyo tarana yeesho
Qofow qarni baad jirtaaye
Wax qiima leh reeb adduunka
Tusaale ku qaado oo
…
Markuu soo degay qur’aanku
Rasuulkii maxamed qaniba (C.S.W)
Kuwii ku qilaafay diintee
Qarniyo sanam caabudaayay
Hadduu magacood qasaaray
Kuwii waxyigiisa qaatee
Quweeyay Ilaahay tiisa
Tusaale ku qaado oo
qummane lagu deydo iyo
Dadaal-qabad qurux lahaaye
Qofow qarni baad jirtaaye
Wax qiima leh reeb adduunka