Q-4aad taxanaha adeegto

lnanka oo aad u yaqaan dabciga iyo dhaqanka reerka ayaa wuxuu u kala saari waayey in Maryan ama inta si xun loo dilay ay meelaha taal oy kiciba la’dahay dhaawac dartii, amay carartay oy meelahaas dugaag marti u tahay, ha yeeshee isagu ma uu hadline wuxu uu ka dhursugay bal waxa odaygu ka yiraahdo ama ka yeelo.

Odaygii oo isna naxsan ayaa inta kacay yiri.”Naa miyaad cayrisay oo dishey gabadha. miyaadan ogeyn in meesha bahal dad qaad ahi ciiddii ka batay” intiibana ma sii jog-joogsane intuu jiitimihii iska sii rogrogey ayuu qaylo bilaabay oo ugu yeerayo

Maryan hadday bal meelahan ku naban tahay oy maqlayso. “Naa Maryan! Maryaneey! Maryan’ Aabbe waa anigiiye kaalay, anaa kaa ballan qaadaya inaan caawa kaddib lagu diline.”

Xaaskii markay maqashay bahalo dad qaad ah ayaa meesha buuxa bay yara naxday oo inta wax is tustay qoomamaysay waxay samayn jirtay amay fiidkanba samaysay: iyadu kama naxayn Maryan dhimashadeeda iyo haddii bahal cunee waxay aad uga naxsanayd hawsha ku soo fakan doonta, ariga raaciddiisa, haddii Maryan meesha ka baxdo. Qoomamey dibnaha qaniintay, iyadoo is leh. “Wallee haddii la waayo libaax cuno anna hawl aanan u barani i cuntay”

Ilmihii yaryaraa oo iyagu aan war hayn ayaa iyagoo hilba caata ah oo casho loo Siiyey hiig-hiigaya waxay soo ag fariisteen walaalkoodii weynaaye ardaaga fadhiyey iyagoo ku qosqoslaya hadbana qodda-qoddaynaya. Ilmaha iyagu waa dadka ugu ladan reerka, waxayna ku caynteen waxaa loo lisaa dhawr halaadoo dhaqaya ah sidaas na u caano badnayn, ha yeeshee la’aantood ayaan sinaba u noolaadeen.

Halahaa ninka raaca ee lisaa muddo sano ku dhow caano ay leeyihiin ma dhadhamin. Ilmuhu markay. agagaarkiisa ku ciyaarayaan waxaad mooddaa inuu ka gubanayo oo uu isleeyahay yaaba dhulka ka dusiyoo liqaba. Iyaga dad ahaantooda ma necbee wuxuu neceb yahay hooyadood iyo xiriirka dhaqanee ka dhexeeya isaga iyo iyada.

Odaygii wuxuu qaylqayliyaba wuu quustay ugu dambaystii isaga naftiisaa libaax ka baqayey markuu meelaha wax daydayayey wuxuu sitey qori uusan sida badanba dhigin si uu isugu daafaco haddii bahal soo weeraro.

Wuu soo laabtay oodihii inta soo adkeeyey, ayuu ma fariisane wuxuu Maryan ka baaray xeryaha xoolaha iyo hareeraha reerka oo dhan. Waxba waa. Hadba dhan eeg. Madaxa ruxrux wax uu yeelana garan waa. Mar buu is yiri xaaska ma garaacdaa maadaama ay iyadu u sabab tahay waxa dhacay, hadatana wuxuu ku deystay inuu inta xaarxaariyo uunan far saarin, maxaa yeelay laga yaabee may dhibaatadu meeshay hadda joogto meel ka xun tagto. Intuu iska soo fariistay buu yiri, “Adaa tolaye ka tali’ waxay ila tahay reerka gabadhiisii adiga uun baa yaqaan meeshaad ka keeni lahayd, adaa lagaaga fadhiyaa laguuna haystaa.”

Xaaskii ayaa harag waraabe alla u tuuray. Meelay wax ka tiraahday weyday. Wax kastabase waxaa uga sii daran maskaxdeeduna qaadanba ladahay berri ahaa ariga raaci doona. inay oydey ku sigatay. “Adoo nabad la bala-waara below kaalay lama yiraa hadday kuu timaadana lama booyo boowow”, ayey iskula hadashay.

In cabbaar ah ayaa laysla hadli waayey wax la yiraahdana la garan waayey. La arag arnintu inay meel aad u xun taagan tahay, wax ka qabashana ay ka taggan tahay. Mar dambe iyadoo wax kastoo la yeeli lahaaba inta laga wada maagey layska sii kala jeedo, hadalna weelba ka furmi la’yahay; ayaa odaygii inta adkaysan waayey wuxuu yiri, “Walle boodi lahaydaa iyo dhici lahaydaaba adduun baa u qoolan”.

Xaaskii hadalkii ama taladii inta ka kala firdheen bay dhannaba joogi la’dahay. Way garwaaqsiisanayd inay dambi gashay, inkastooy qof kibir iyo talo xumo u geysay tahay.

Mar dambe oo dhawr saacadood la oran karo way ka soo wareegeen intii indhaha uun layska eegayey maskaxdana laga wada fekersiinayey ayaa xaaskii iyadood mooddo inay daal ama jirro la kici la’day inta istaagtay gurigii gashay. Waxay odaygii iyo wiilkii soo hordhigtay xeero qori aho hilbo caato ah oo solani ku jiraan. Wax hadal ahi kama soo yeerin afkeeda ee intey sidii kubbad la soo laaday dhulka xeeradi ku soo taraarixisay bay isaga hartay.

Inanka oo baahi qaan-gaar ahi haysay ayaa haddiiba xeeradii gacanta u daruuriyey. Cad ayuu sodhufsaday oo uma daahine afka la aadey. Inanka waxaa hayey baahidana uga culays badnaa oon wuxuuna joogey heer uu wax maqliwaayo ama dhago weddoobeyba afka jiiIka kaga yiil ee harraad iyo gaajo ku ilkaystay dartood ah waxaad mooddey qurac duruja ah jilifti.

Uu rud is yiri hilibkii maahee wuxuu ogaadey inaan afkaba wax calyo ahi ku dambayn. Wuu isku sii dirqiyey oo inta rudey calali maagay, ha yeeshee tahartii caatada ahayd ayaa ka qoyaan roonaatay afkuu rabey inuu iyada ku cuno. Dhawr kol markuu hadba dhan ugu cayrshay, dhawr gowsna u qarqariyay ayuu dareemay qoyaan iyo xanuun isku qasane afka ku baahaya. Wuxuu heli waayey meesha qoyaankani ka yimid oo waxaa ka sayid caleeyey gaajadii haysay iyo calooshu siday ugu baahnayd wax lagu rido bal inay dabkay shidayso qaar yarayso.

Isagoo weli rudmadii hore la rafanaya ayuu mar dambe u adkaysan waayey xanuunkii. Intuu soo qabtay tahartii ayuu la aadey dab meel fog ka shidnaa. Wuu eegay mise tahartuba waa wada dhiig. Intuu iska tuuray buu afkiisii dib ugu noqday. Meeluhuu xanuunka ka dareemayey, ayuu soo taataabtay oo dabkii faruhu ku soo taabtay ku eegay, mise dhiiggu afkiisu ka burqanayaa.

Garay sababta dhiiga keentay afka qallalan iyo taharta dagaalkii dhexmaray. Waxa ugu sii darraa isagoo dhaawac ugu sii darmay afkii awalba engegnaa. Luqluqasho ama daawana daaba.

Isagoo go’ calaloo uu huwanaa dacalkii iyo gacan afka iskula haya ayuu ardaagii dib ugu soo laabtay. Wax hadal ah ma uu oran, maxaa yeelay inaan laga gurayn ayuu ogyahay goobtuna siba u carqaladaysan tahay.

Intiiba, haddii afkii qallaylkiisii ayuu ku noqday. Isagoon hadlayn, ha yeeshee xanuun qarsanaya ayuu si uu neecowda uqaato wuxuu isku kala tuuray ardaaga meeshuu ka seexan jiray isagoo cirka iyo xiddigga badnaantiisa eegaya.

Odaygii isagoon hadlayn ayuu inta dhawr tagarood ka walam walamsiiyey, qorigiisii oo xabbado dhuunta u yaalliinna inta la soo fariistay isagoo salka dhulka ku haya iska hammiyéy.

Xaaskii intay ilmiihii oo meelaha kala daadsan gurigii gudihiisii u daad gureysay bay iska dhex seexatay. Meeshaa hadalka ama daqaqanku aad buu u yaraa. Doodi kama ay furrayn oo duruuftaa ahayd mid aan oggolayn wax nolol sidaas ahi ku sii jirto.

Dhammaan waxaa loo wada muuqday dad isu wada cadow ah, is wada neceb. faylaha is wada jaraya.

****