Wax dhag lagu tifqiyo ma jiraan:- Waa biyo la’aan
Qardhac masagga ah ma yaalo:- Waa raashin la’aan
Dabsaar ma yaalo:- Waa caleen shaah la’aan
Dhanaansi ma yaalo:- Waa sokor la’aan
Dhalaal caanood ma yaalaan:- Waa caano la’aan
Shantuu dhigan:- Waa kaba la’aan
Neef beerkiisa la qaniino ma leh:- Waa caydh (waa xoolo la’aan)
Mudh iyo gacan:- Qaawanaan
Lug iyo laankeygaa isku xidhan:- Kansho la’aan (Jaanis la’aan)
Kaaximada isma saarin:- Ma seexan
Waa taagan yahay:- Waa wayd hadhaya