Hadraawi oo Cabdi-qays u jawaabaya, silsiladdii Siinley

Saaxiibkey qaysow

Marka hore salaan guud

Marka xiga sedkaadiyo

Waxa aad ku sugan tahay

Waa inaad nasiisaa

Marka xiga silsiladdii

Murtidaadi soocnayd

Subciyoo dhammeeyoo

Solay oo bisleeyoo

Dabadeedna siistaye

Saaxiib ma nabadbaa?

Summadeedu waxay tahay

Roob saaka da’ay baa

Sarkadhaban la yimidoo

Anna seexan maayee

Saaxiib ma nabad baa?

Summaddeedu waxay tahay

Heestaydu waa Siin

Sidig weeye dihinoo

Waxa loo seddexa maray

Dadka haw sinnaatoo

Ruuxii sabool ihi

Caanaha ha saydhee

Saaxiib ma nabad baa?

Summadaydu waxay tahay

Saxansaxo ma roob baa?

Seed geel ma hilib baa?

Sako adhi ma xoolaa?

Fardhaxaad ma suul baa?

Sakaraad ma nolol baa?

Biyo sare u jeedaa

Halka ay saldhigayaan

Sahan raacay weydii

Summadeedu waxay tahay

Cabdiyow sabeenihi

Way sumal-xadeenoo

Midi haysa sidatee

Seddex dhalay warkeediyo

Waxay saaka joogaan

Xogta aan ku siiyoo

Sarta kaaga jeexee

Saaxiib ma nabad baa?…