Maryan markay cagaha wax ka dayday ilaa saacado dhawr ahba may joogsane waxay isugu bixisay orod aan kala go’ lahayn iyadoo u sansaan eg qof inta baydaday xarga goostay xabsina ka cararay isagoo weliba dhan walba ka cabsanaya oo is leh geedaha ayaa ama ku dilaya ama kaa war sheekoonaya. Waxay ahayd qof aad iyo aad u fiigsan, u naxsan. In muddo ah markay sii baydadeysay ayay mar dambe xistay inay carri cidla ah jeexayso ayna marti u tahay libaaxdii dadqaadda ahayd horaybana meesha u buuxday; way istaagtay oo wax dhageysatay. Meel kasta sharqan iyo buuq ama hugun ayaa uga baxay baqdintay baqaysay iyo harraadkii dhagaha jeexay dartood.
Waqtigu waa gudcur aan waxba la arkayn. Hadba dhan bay u jeesatay. Waxay kaloo garan weyday meelay ka timid iyo meelay u socoto. Way dayowday. Iyadoo iska jahawareersan oo baqdin darted socon la’ ayay mar dambe maqashay libaax cidii. Intay qabowday oo qamandhaco ama jiriirico lagu jabiyey bay in cabbaar ah wax dhaqdhaqaaq ah iska weydey. Mar dambe o Libaaxii cidii yareeyay ayay miyirsatay. Dhankuu ka ciyey mooyee dhankii kale ayay isku qaaday. Muddo saacad ah bayan kala gotne orod ugu jeexaysay. Sayrmada laamaha, qodaxda mudeysa xagasha qoryahay qallalan, jalfinta kurtumaha iyo dhagxaanta, turaanturrada iyo kufida ku dhacaysa waxay ahaayeen kuwa tira belay, ha yeeshee ayan iyadu dhibaato u arkeyn.
Waxay baydadkaas iridda furan een meelna haysan la sabbaysaba gooray jiciiratay boqolaal km goysey ayay mar uun istaagtay si ay jabaq u dhegeysato dad iyo dugaagba. Waxba maqli weydey. Meesheedii ayay ka miistay. Waxay oroddaba mar dambay joogto inay dhacdo ayay goosatay inay indha-indhayso geedo dhaadheer oy dugaagga ka fuusho, maxaa yeelay sheekay ku maqashay in marka bahalaha laga cabsado geedo dhaadheer laga fuulo.
Kol dambe ayay ku soo baxday geed dheer oy is tiri, “Allalehe ha dhaafine fuul!’ Dusha ayay uga baxday geedkii. Dhibaatase waxay timid markay lulmooto yaa kuhaynaya geedka. Iyadoo sii lulmoonaysa inay seexatana u dhow baa waxaa soo yeeray ci libaaxe aad moodo inuu ordayayo. Hurdadii ayaa ka duushay, inay dan u ahaydna lagaba yaabee.
Libaaxii wuxuu soo cadaadaba waa soo dhawaaday. Mar waa aamusayaa, mar dambe ayuu haddana ciyayaa isagood mooddo inuu ka sokeeyo meeshuu awal ka ciyey waxay sidaa ahaataba mar dambe ayuu laba soo wareegay qoortii geedka Maryan fuushan tahay ku yiil si kedis iyada ku noqotay ayuu mar uusan ka fogeyn agteeda af labadii yeeray. Naxdintay naxday markay soo finiini gaartay, ha yeeshee intay laamahay haysatay xajisatay bay isha uun ka eegtay.
Waqtigu markaa waa goor dambe Dayax ayaa soo baxaya oo cir daruura ka maran soo dhex jeexaya. Dhanka Dayaxu ka soo baxayo ayaa libaaxu ka xigaa iyada. Geedkay fuushan tahay wuxuu ku yaal meel goor ahoo kob dacalkeed ah. Mar uun bay aragtay libaaxii oo inta kobtii madaxa kala soo baxay dhulka sanka la soo raacaya sina aad mooddo inuu u degdegayo. Waxaa isku dhacay Dayaxa nuurkiisii iyo baabushiisii badnayde caddayd taasoo u suurta gelisay Maryan inay markii ugu horreysay ka il sugato libaax aragtidii.
Way sii naxday waxayna ku sigatay in wadnuhu istaago naxdin darteed.
Libaaxii oo daqaf-daqaf leh ayaa geedkay fuushanayd la soo wareegay. Isagu sanka dhulka kama qaadayn oo raadkeeda ayuu ku joogay. Sidii uu u soo saqlaynayey ayuu geedka jirriddiisii sanka soo saaray. Intuu hakaday oo dabada ruxay buu baadi goobay dhanka raadku u baxay, sidii wax xanaaqay buu jeenyaha dhulka ku xoqay.
Libaaxaas oo malaha isagu ahaa mid hore u yiqiin jarta isaga loo degey iyo in dadku geedaha ka fuulo, ayaa inta sidii wax fariisanaya beerka dhulka dhigtay jeenyahana horay u bixiyey. Wuxuu isku dayey inuu ogaado qofkuu raacdeysanayey meeshuu geedka ka saaran yahay.
Isagoo sidii wax jiifa ah ayuu kor iyo geedkii soo daymooday: uu soo eegayay maahee haddiiba isha ayuu ku dhuftay Maryan oo sidii calal dharnmaad ahee hirrigi la hartay meel aad isaga uga fog laan ugumaran.
Maryan iyadoo geeso leh, timeheeduna qodaxo yihiin ayay si buuxda dhaqdhaqaaqiisa indhaha ugu haysaa. Labada gacmoodba waxay si buuxda ugu haysataa laan ay xabadkana ku haysee gorteeda ah, iyadoo rakaysatay salkana ku haysa laan laba madax leh meeshay ka kala kacdo. Waxay jeclaan lahayd inay haad noqoto sidii shinbiraha meeshaas yaabka lehe ay ku xayiran tahay si ay si sahlan uga hadaafto.
Isagii markuu arkay inay adag tahay. si loogu tago ruuxaa isaga ah uuna ogaaday, maadaama uu yahay bahal dadka aqoon u leh, in qofku uunan sidaa u weyneyn ayuu Isku dayey inuu bajiyo wa intaasoo intuu kala bato, bardadoo uu soo dhacaaye.
Wuxuu ahaa bahalkaas mid inta intii libaax weyn yahay weyn dhogorta, guuçka. baabusha iyo haylimah ku yaalla tira beeleen. Aad buu u dhisnaa una lixaad weynaa. Surkiisa hilibka saaran iyo xoogga ku jira daraadi awood uu lahayn inuu isagoo taagan kor u eego, sidaa daraaddeed kor markuu eegayo waa inuu u seexdaa.
Isagoo meesha baraqa Maryanna eegaya ayuu inta afkii laba ka kala dhigay intuu awood lahaa ci, gurxan iyo gunuunuc oodda ka soo qaaday. uma sii sugine intuu kor u boodey buu sidii wax geedkaba samada ku callaqaya ciddiyo aad warmo mooddid inta surtay gilgil maagay.
Cirkii iyo dhulkii ayaa qaylo iyo sharqan is qabsaday. Geedkii baa dhaqdhaqaaqay, Maryan baa intay itaal lahayd waxay isugu geysay laantay haysatay. Nasiib wanaag may soo dhicine meesheedii bay ku mintidday inay la soo jiifto. Iyada cabsi iyo qiyaame u haray ma jirin. Waxay ugu muuqatay in dhulku wada gariirayo, dabaylo iyo duufaan dhacayaan, ciidu dhaqaaqsan tahay, adduunkana gogoshiisii loo labayo aan wax harayaa jirin. Haba yaraatee meel loo irkado ama ciirsi la bidaa uma ay muuqan. Nafta oo deysa uun bay sugeysay.