Beri baa waxaa jiray boqor jeclaa madaddaalada iyo sheekooyinka. Habeen kasta dadka magaalada deeggan qof ka mid ah ayaa uu u yeedhi jiray waxaa uu ku amri jiray in uu uga sheekeeyo sheeko xiisa leh oo aanu horay u maqlin. Sheekada boqorka looga sheekaynayo waxaa la dhagaysan jiray martida qasriga oo dhan. Qofkii u sheega sheeko uu horay u yaqaanayna wuu ciqaabi jiray. Dadkii uu boqorkaasi xukumi jiray waxa ay mar kasta ka werweri jireen, sidii ay u heli lahaayeen ama u abuuri lahaayeen sheekooyin oo aanu boqorku horay u maqal. Muddo dheer markii ay arrintu sidaas ahayd ayaa habeenkii dambe waxaa loo yeedhay odaygii beesha u weynaa, si boqorka uu habeenkaa ugu sheekeeyo. Odaygii oo doonaya in uu caawa Boqorka xeeladeeyo, si uu uga gooyo dhaqankan xun ee uu caadaystay ayaa markii uu qasrigii boqorka yimid, billaabay sheekadii oo yidhi:- “Ma ogtahay boqorow in awowgaa iyo awowgay beri wada iibsadeen beer weyn?”. Boqorkii oo odaygii eegaya ayaa ku jawaabay; “Maya ma ogi arrintaas.” Odaygii oo hadalkii sii wata ayaa yidhi:- “Waxaa kale oo ay wada iibsadeen dibi geeso dhaadheer oo sida qaanso roobaadka toddoba midab leh, oo ay beerta ku fashaan.”
Boqorkii sheekadaas ma jeclaysan. Odaygiina halkii ayuu ka sii watay, isaga oo leh “Boqorow maalintii dambe awowgay iyo awowgaa oo beertii falanaya, ayaa waxay ka heleen santuuq ay ku jiraan afartan wasladood oo dahab ah. Markii ay kala qaybsadeen, ayaa labaatankii wasladood ee awowgay wuxuu u dhiibtay awowgaa”. Boqorkii oo kaarahaystay oo aan xiisaynayn sheekooyinkii odayga, doonayana in uu iska joojiyo, ayaa yidhi, “Haa waan maqlay. waana ogahay sheekadaas”. Markaas ayaa odaygii ku yidhi: ” Boqorow dadka oo dhan way maqlaan in aad qiratay xoolahaas uu awowgay u dhiibtay awowgaa ee waxa aan kaa codsanayaa in aad hadda dadka hortooda qaybtaydii ee dhaxalkayga ahayd igu siiso”. Sheekada odaygu sheegay run ma ahayn. Maxaayeelay, waxaa uu doonayay in uu boqorka kaga joojiyo dhaqanka xun ee uu dadka ku dhibi jiray. Boqorka oo fahmay sheekadaas ujeeddada odayga ayaa ay la noqon weyday in uu diido wixii uu dadka hortooda ka qirtay, Ka dibna waxa uu odaygii siiyay labaatankii wasladood ee dahabka ahaa. Habeenkii ay arrintaasi dhacday boqorkii waxa uu joojiyay caadadiisii ahayd in uu dadka ku kallifo in ay ka qosliyaan. Waxa uu garowsaday in wixii uu shacabkiisa ku samayn jiray ay khalad ahayd. Markii ay sidaasi dhacday ayaa ay dadkii ku fadeexeeyeen go’aankii boqorku uu gaadhay. Odaygii oo gacan ku sita santuuqii ay ku jireen labaatankii wasladood ee dahabka ahaa ayaa boqorkii ku yidhi, “Boqorow, waan ku faraxsanahay go’aanka aad gaadhay, anigana sheekadii aan kaaga sheekeeyay waad ogayd inaanay ahayn mid jirta. Waxa aan uga dan lahaa in aan ku dareensiiyo dhibaatada ay shacabku kugu qabeen. aniguna ma rabo in aan xaaraan cuno ee dahabkii waa kane iga guddoon”.