Abwaan Hadraawi
Ergaduu farriintiyo
Ku adkeeyay heestoo
Igmadaannu kulanoo
Looxii ilhaankaan
Sida uur-ku-baallaha
Indhahayga saaroo
Warku waa ammaanee
Adna maxamed moogow
Aakhiro halkay tahay?
…
Aayadaha qur’aankiyo
Arraxmaan siday tiri
Hadalkii Ilaahay
Ruuxii islaam ihi
Sida uu aqoonsaday
Waa oomman hawdoo
Waa guri abeesoo
Edeg weeye hoosoo
Abataqan ku yaalloo
Waa iil madaw oo
Rabbigay addoomaha
Kaga aargutaayoo
Waxa laga arooraa
Irdahaa xabaashoo
Amban maayo ruuxii
Qabri lagu adkeeyee
…
Marna oosha guudkiyo
Waa oogadeennoo
Waa beer udgooniyo
Duni wada ilaysoo
Waa ceel irmaan iyo
Togag wada ordaayiyo
Ilo wada xareedoo
Lagu oon baxaayoo
Naftu eegma sugashada
Ashqaraar ka qaaddoo
Toddobaatan ooryood
Lala aqal galaayoo
Rabbigay addoomaha
Ku abaal marshaayoo
Dhibta lagu illaabee…