Gabaygan oo aan tudacyo ka soo qaadanay, wuxuu Sayidku ku kohanayaa Soomaalida iska foorarta ee aan dareen siyaasadeed oo ka baxsan dhexdooda aan lahayn. Bal ila akhriya duca qabooyin.
Waa nimanka doobbiga noqdeen, duud xammaalka ahe
Waa nimanka doofarka qalan, doog iyo abaare
Waa niman digniin aan ka qabo, duq iyo waayeele
Waa niman dareen iga galaan, deyrka meersadaye
Waa nimanka daacuun jaryow, diley Ikhwaankiiye
Waa niman aan dib u fiirinayn, duug waxay noqone
Waa niman danbaabaan waqood, daahir noqonayne
Waa niman dafiray oo ka tegey, daacadda Illaahe
Waa niman dillaalkay cuneen, deyn ka buuxsadaye
Dibindaabyo waa niman wax badan, ila dul jeerraaye
Waa niman dakanadaydii qabaan, duudsi noqonayne
Maandhoow nin ciil dilahayoo,duuban baan ahaye
Dadabtii la ii dhigay ma galo, toban diraacoode
Waxa diifta ii yeelay waa, cadho daraaddeede
Haddii doobka caano ah iyo karuur, dacalka lay saaro
Haddii darib la ii soo dhigiyo, duqus la geedeeyey
Dibnahayga soor uma furoo, waa diqaysnahaye
Soomalidii baan u dudi, daadufka ahayde