Qofkasta wuxuu awoodo rabaani ah u leeyahay meelo gaar ah. Waxaad ku dhisaysaa xirfadahaaga tababar iyo khibrad kuwaas oo kor u qaadaaya awoodaada fulinta shaqada. Inaad awoodo aqoonsiga iyo qeexida xirfadahaagu waxay kuu sahlaysaa inaad ka jawaabto su’aalo dhawr ah markaad ku jirto waraysiyada shaqada sida:
Maxaad uqaban kartaa ganacsigayga?
Caqabad noocee ah ayaad xalin kartaa?
Goobta shaqada, waxaa jiro labo nooc oo xirfado ah:
Xirfado farsamo
Xirfadaha kumbuyuutarka.
Labada nooc ee xirfaduhu waxay muhiim u yihiin guusha ganacsiga.
Xirfadaha farsamada
Awooda aad u leedahay inaad shaqo gaar ah si fiican u qabato sida cunto karinta, naqshadaynta kumbuyuutarka ama wax barinta, ayaa u baahan xirfad farsamo. Waxay quseeyaan shaqo gaar ah. Waxaad kabaran kartaa xirfado farsamo khibrad shaqo hore, dugsi ama tababar. Waxaad ku hormarin kartaa xirfadahaaga la qabsiga, waxbarasho iyo tababar. Xirfadahaan waxaa inta badan lagu daraa liiska shaqada si loo qeexo waajibaadka ugu muhiimsan ee shaqada. Tusaalayaasha ayaa ah:
Dhisida qaanad
Ku shaqee qalab
Qor tirada kumbuyuutarka
Baar su’aal saynis ah
Ka iibi badeecooyin macaamiisha
Qor farqad qoraal ah
Xirfadaha fudud
Awooda aad u ledahay inaad dadka kale sifiican ula shaqayso aadna uga caawin karto ganacsigaaga inuu noqdo mid wax soosaar dheeri ah leh waxay u baahan tahay xirfado fudud. Xirfadahaan ayaa ah kuwa aad muhiim u ah ilaa heer xirfadaha fudud ayaa sabab u noqdaan in batrooniyaashu go’aamiyaan inay shaqo siiyaan ama dalacsiiyaan shaqaale. Xirfadaha fudud qaarkood ayaa lagu baran karaa dugsiga. Laakiin inta badan xirfadaha fudud waxaad barataa maalin kasta noloshaada waxayna sii balaaran karaan xili kasta hadaad muhiimad siiso.
Uga qaybgal sida xubin koox kamid ah
Ku dhiiri gali naftaada inaad gaarto yoolal
si fiican ula xariir dadka kale
Fikir hal abuur leh samee
Degdeg wax u baro
Si wanaagsan u fakar
Ilaali waqtiga
Xirfadaha
Badanaa waa wax fudud in la go’aansado heerka guusha qofka ayadoo laga fiirinaayo xirfadihiisa farsamada si ka fudud sida lagu go’aansado aqoonta qofka ee xirfadaha fudud. Tusaale ahaan, waa wax fudud in la go’aansado in qaanad tahay mid afar gees ah oo isku dheeli tiran waayo taasi waa macluumaad yool leh; laakiin way adag tahay in la ogaado in qofku yahay isku xire caalami ah, sababtoo ah soosaarista xirfadaha caalamiga ah ma ahan kuwo sahlan.