Gabayadii Raage Ugaas Warfaa

Abwaanku wuxuu gabygan tiriyay ka dib laba qolo oo dagaal dhex maray, Ayaa waxa la laayay rag badan oo u ku dhaadan jiray, waxaa ka mid ahaa ragaas, Geel-Toosiye Geeydh, Iyo Askar Cumar Ugaas.

Abwaanku wuxuu aad uga xumaaday dumarkii dumaasha sugayay iney heleen niman aan ku habooneyn oo ragii la laayay aan udhigmi karin.

Wuxuu Yidhi Raage Ugaas, Allaha Unaxariistee

Haddaan ooyo naagaan arkoo, wax uma aaboobin 

Haddaan aamusnaadana qalbigu, ii askummi maayo 

Haddaan igadhyo maalana anfaco, ku il samaan maayo 

Haddaan ilaxidh seexdana hurdada, alalad bay dhaafin 

Haddan Eegi dheer fuulo aan, ololo oon reemo 

Oon uubateeyana raggii, iigu iman maayo 

Abjac diday uluuli aan jid galin, agabar shay diid ah

Hadduu timaha oogtaa ka dhigo, adari boodhboodh leh 

Ardaal nacas ah naaguhuba, wayska ogolaadaane 

Ina adhi jireed iyo mid aan, habartii awr goynin

Aakhiro ragii tagay haddaan, Eebe ka aqoodo 

Haddii uun la dayn Nabiyadii, lama idleeyeene 

Saw waxaan ilaawaba mid xumi, ima ogeysiiyo

X/Somalinet.com