Suura gal ma tahay inaad u safarto magaalo aadan garaneyn magaceeda, dhanka ay kaa jirto iyo weliba masaafada ay kuu jirto, adigoo ruux kale aan isku haleyneyn?
Dabcan jawaabta waa iska cadahay suura galna ma noqon karto inaad aado meel aad rabto adigoo anan ka helin xog ku saabsan sida magaceeda oo kale, safar kooban oo saacado ama daqiiqado uun qaadanayo haddii uusan suuragal ahayn qorsho la’aan maxaa u maleyneysaa safarka nolasha oo idil.
Nolasha waa safar u baahan qorsheyn iyo in loo sameeyo yool ay hiigsato oo ay ku dadaasho xaqiijintiisa iyadoo raaceyso qorshe ay u dagsatay, dadka nolasha ku guuleysta waa dadka leh yool ay hiigsadaan isla markaana u dajiya qorshe oo ah jaranjaradii ay ku fuuli lahaayeen hiigsigooda.
Waxaa jiro sidoo kale qof walbo in uu xambaarsan yahay hadaf iyo yool kale oo uu hiigsanayo isla markaana ka damacsan yahay nolashiisa inta uu aduunkan dul joogo, balse dadka badigood hamigooda waxa ay ku keedsadaan uurkooda iyagoo anan sameyneyn wax isku day ah markii uu ruuxa sidaa noqdana hamigiisii oo idil wuxuu isu bedalaa hawo iyo khiyaali aan soo dhaafin uurkiisa.
Isweydii Maxaa ka damacsantahay nolashaada dhaw iyo tan fog?
Waa qasab qofka bini aadamka ah mar walbo wax buu Hiigsanayaa isla markaana jecelyahay in uu gaaro balse waxaa kala duwan sida ay u qaabilaan ka gun gaarida waxyaabaha ay hiigsanayaan , Dadka badankood malahan qorshe ay u dajiyeen ka mira dhalinta yoolka nolashooda waxay ay nolasha u qaabilaan habkii ay iyada usoo qaabisho , halkii ay nafta xukumi lahaayeena ayaga ayey hogaanka u heysaa taana waxaa ay sababta in inta badan in ay qiimo beesho nolasha qofka .
Haddaba maxaa u diida dadka badigood qorsha u dajinta hadafka noloshooda ?
Waxyaalaha ka hortaagan dadka badankood in ay qorsheyaan noloshooda waa ay faro badan yihiin hase yeeshee waxaan ka xusi karaa qodobadan.
* cabsi ay ka qabaan guul daro iyo fashil ku yimaada qorshaha ay dagsadaan .
* liiditaan nafsadooda ay liidayaan iyagoo isu arko in aysan qorshe fulin karin
* faham daro muhiimada ay leedahay qorshe u dajinta hadafka nolosho .
* xishood iyo cabsi ay ka qabaan in ay bulshada la yaabto .
Aqriste waa muhiim in uu kuu cadyahay hadafka aad nolasha ka leedahay is weydii maxaad u nooshahay ? Waa maxay hadafka fog ee aad noloshaada ka damacsantahay ?
Mar haddii aad jawaab u hesho su’aalahaas waxaa kuu sahlanaan dooti qorsho u dajinta xaqiijinta hadafka noloshaada.
Ugu danbeyntii waxaan kugula dardaarmayaa nafsadaada inaad hagto oo aad qorshe u dajiso waayo haddii aadan hagin iyadaa hogaanka kuu qaban doonto, nafsada haddii ay hogaanka kuu qabato oo ay hawadeeda iska raacdana waxaad halis u tahay halaag iyo khasaaro alle ha inaga najeeyee.
dareenka nolasha si aadan uga dhicin hag nafsadaada oo u yeel hadaf iyo yool ay hiigsato.
X/somalilifecoaching.com