Carraabuhu wuxuu ahaaa mid cagaha lagaga gubtay. Qorraxdu aad bay u dheerayd. Golcas weliba kaliil joogtee abaar tumaysa ee hongorraha iyo hanfiga ka soo baxayaa yihiin kuwa lagu aqdee dad horay u wada eeday, bay ahayd.
Maryan oo daalka iyo diiftii horay u soo halakeeyay wax weyn u dhimayaan socodkeedi yaraana intii itaal ah is tiilaysa ayaa dantii, wax la sii dusma-dusmeeyaba, u been sheegtay, runina run gayeysiisay. Marka laga reebo go’ii saaka lagu dadey, Maryan dharkay qabtaa waa maro midab lehoo si ugu marmaran qaarkeeda sare ahaanna way garsanayd dhexda marka la soo dhaafo waa faraqyo ama haylo si is dhaafdhaafsan u jeexjeexane aan waxba cawrada u qarinayn. Kaba ma qabto, oo cageheeda waxaad mooddaa geed jilfaystay, meelo badanna dhiig ayaa kaga yaal ka soo dareeray jirkeeda sare markii ay geeda xagteen.
Intay isku duuduubaysayee ay is lahayd go’ii la siiyey isku astur ayuu inta xayiray socodkii ama dheerayntii ka curyaanshay. Way iska dhaqdhaqaaqeysay oo waxay ku mintideysay inaan laga tagine way garsanayd.
Odaygii ayaa arkay inay liicsan tahay markaas ayuu awr inta arrumay dusha ugatuuray. Inkastuu u dhaamey haddana raaxa ma lahayne reeryo caws ahayde saarrayd darteed ayaa meel kasta ka xagatay. Awrku gura ma layne siday faras fuushan tahay ayay reeryada dusha kaga fadhiday. Waxaa intaa dheeraa, iyadoo awrkuna ahaa mid aad u tallaabsanaya waxa saarani ruxmanayaan iyadoo iyaduna la ruxanayso.
Maryan meelo badan bay reeryadu ka xoqday oy aad uga xanuunsaneysay, ha yeeshee, iyadoo naagnimo ku jirtay darteed ayey ka xishootay inay tiraahdo meeshani waa igu dhib. Dhiig ayaa bawdyaha meel ka mida ka yimid. Inay kuurkuursaneyso oo ay dhibban tahay ayaa waxaa arkay Odaygü oo mar kasta isha ku hayey iyada. Wuu fahmay dhibta haysa. lntuu joojiyey awrkii oo gogol uu wataye naagtiisu u soo duubtay, buste iyo barkin, oo ugu hagaajiyey meeshay fadhiday buu yiri, “ku fariiso”.
Maryan baa inta meel raaxa miiran ah salka saartay neef weyn fu’ soo siisay iyadoo hadalkiiba ka xishootay iyo inay mahadsanid tiraahdo. Loogama jimcine waa loogu cayntaariyey. Iyadoo sidii dabaysha loo nuugayo aanna lays dhuganeyn ayaa qorraxdii godkii gashay. Raggii ayaa qoryohoodii intay soo wada rogteen waxay fiirfiirsadeen sida xabbado ugu jiraan. Waxay isu diyaarinayeen habeenka dumey iyo dugaagga soo fool leh. Carriga la marayaa wali waa carri libaax dool ah sida badanna aan lagaba waayin isagoo aroor, fulitaan ku maraya ama xoolaha ceelasha ku sii jeeda ama ka soo jeeda jeeqaaqaya amaba dad iyo duunyaba wax baylah ah meelahan ka raad goobaya maadaama ay jiilaaladii lays wada dhaafayo.
Awrtii baa inta dib loogu taabtay xiriir xirki loo wada adkeeyay raggii awal wada socdeyna inta is qaybsheen, baa qaarba dhan horay iyo gadaal laga kala maray.
Odayga gar caddaaga ah ayaa awrta gar haya. Qorigiisu degtuu u saaran yahay isagoon wax u dhimmanayn waana kuwa darandooriga u dhaca. Wuxuu kaloo sitaa oon ragga kale wadan tooj lix qaad ahee meel dheer wax lagaga ifin karo.
Maryan waxay saaran tehay ratiga odayga awrtana u horreeya isagoo la biday inuu yahay kan ugu dheereeya uguna hayinsan.
Inkastoon la wada hadlin, meel lagu wadahadlana aan lajoogin waxaad mooddaa in raggii Maryan badbaadiyey iyo odaygu yare isku riixayaan. Oo odayguna hadda iska dhigayo qofuu isagu wado, iyaguna badbaadinteedii tirsanayaan. Wàxaa intaa raacda odayga oo ah nin degmada laga yimid laga xushmeeyo oo nin karaameed ah.
Maryan may fool xumee intii gabar Soomaaliyeed qurux badan tahay ayay qurux. badnayd. Dhibaatada kaliyee haysey waa diif xunoo ka nuuqatay markaa la joogey, iyadoo horay u soo weydey korriimo dheellitiran oo laftay u dhalatay lixaad u la’.
Odayga dhaafoo labada inan ee badbaadiyey Maryan ayaaba laga yaabaa inay isku laadaan oy dhexdooda ka aloosanto. Odayga naftiisu si weyn buu meesha isugu tirinayey iyo inuu ama cid siisto ama isba wax iskaga dayo. inkastoo uu mar da’ ahaa mar kalena xaasas badan ahaa Maryan way yar tahay rajada laga qabayna waa markay karto oo inan noqoto.
Wax la sii dalalagleeyo oo hadba karin laga sii duso Sanna laga laabtaba, goor dambay habeen bartahay ayaa la soo galay Magaalo ku sheeggii loo soo socday.