Maahmaahyada soomaalida waxay Kaalinta koobaad kaga jiraan waraarujinta bulshada. Waxaa hore nin laga sheegay, oo uu tolkii kula dardaarmay, in maahmaahyada iyo diinta la raaco. Xikmadda ay xambaarsan yihiin maahmaahyada qaar waxayba ku dhaw yihiin xikmadaha diinta.
Maanta waxaan halkaan ku xusaynaa mawduucyada ay maahmaahyada soomaalidu ku kala arooraan. Waxaa ugu muhiimsan seddex mawduuc.
1. Talo
2. Tusaale iyo
3. Digniin
Maahmaahyada tusaalaynta ah:-
Af daboolan waa dahab
Biyo meel godan bay iskugu tagaan
Nin xilqaaday eed qaad
Baadi nin aan lahayn bay ag joogtaa
Shimbirba shimbirkiisuu la duulaa
Gacmo wada jir bay wax ku gooyaan
Gari laba nin kama wada qosliso
Hubsiimo hal baa la siistaa
Wax la qariyo qudhun baa ku jira
Far kaliya fool ma dhaqdo
Nin qoyan biya iskama dhawro IWM.
Maahmaahyada digniinta ah:-
Waari mayside war ha kaa hadho
Intaadan falin ka fiirso
Nin aan kuu furi doonin yuusan kuu rarin
God khiyaano ha qodin ku dhici doontaana mooyiye
Timirba laf baa ku jirta
Quud aan jirin qoryo ha u guran
Adduun waa hooska labadiisa galin IWM.
Talo:-
Barasho horteed ha i nicin
Dantaada maqaar ey baa loogu seexdaa
Ama tala keen ahow ama talo raac ahow
Sidaad dooni hadaad weydo sidaan ku hurayn baa la yeelaa IWM.
Haddaba maahmaahyada soomaalida sii dhugo oo aad uga dhuux mawduuca ay ku saabsantahay adigaa kala saari doona insha Allah