Abwaan Makayte
1. War gabaygu waa awow iyo ab iyo, oday kasoo gaadhe
2. Ninkii ila-qalwayn moodayayow, waa umuur culuse
3. Ilaha Faafaneed buu ka helay, aarkii diidsadaye??
4. Kolkuu Raage uugaamiyuu, Maaxna oogsadaye
5.
6. Aniguna ishaartii ku helay, inaan idhaahdaaye
7. Unkad iyo hilaac baygu dhacay, uuro iyo roobe
8. Illo soo wada fakaday, eega la i moodye
9. Ilaaq iyo saleeliyo ma galo, aadba kurayeyne
10. Abwaankiyo ninkii shaacir ehee, odhanba mooyaane
11. Waa waxaan amaah lagu helayn, iibna lagu waaye
12.
13. Hayeeshee waxaa aamusoon, amug ahaadaaba
14. Indhahayga waxaan duubo oon, dib u ilkaadaaba
15. Arin ugub ah waxaan fiiriyoon, uurka celiyaaba
16. Unkad gabaygu feedhaha, wuxuu iihda ka hayaaba
17.
18. Sidii igadh saleelaba waxaan, inamo diidaaba
19. Ilkaha iyo waxaan miciyihii, iriq ka siiyaaba
20. Siddii aar libaax waxaan dibanaha, kala ilaalshaaba
21. Ardaagii naxwuhu ii fadhiyey, waxaan ilaaqaaba
22. Ogol diidan maansada waxaan, ku ag wareegaaba
23. Obabka iyo kulaylaha waxaan, orod ku jiidhaaba
24. Ishaaradu siday tahay waxaan, u anba qaadaaba
25. Adkaysiga waxaan badiyo oon, urugo reemaaba
26. Ururka iyo Sugraa ii waramay, xalay alleylkiiye
27. Sidaa aawadeed gabayganaan, soo awaajiyeye