Waa magaalo aan sidaa u weyneyn. Nal may laha, dariiqyo laami ah iskaba daa, badiba guryeheedu waxay ka dhisan yihiin dhagax. dhoobo ama qoryo aan hab wacnayn. Dariiqyada magaaladu waa dhagxan iyo habaas miiran, jiingadda go’an, jaqafka daasadda ama weelka gorofka ah, qoryaha jajaban dartood qofkii iyadoy habeen tahay dariiqyadaa mar is yiraahda waa ku kufayaa. Waa ma dhacdo in qofaan wax ifsanayn ka nabad galo turaanturro iyo kufid ama dhaawac addimada hoose ka gaara. Dadku sida badan tooshash ayay qaataan oo mar alla markii aasku madoobaado ayaa magaaladu waxay u ekaataa cir aan daruuro lahayne gudcura meel kastana xiddigo ka bidhaamayaan.
Waxaa sida badan la ifsadaa faynuus ama batarmakis inkastuu yar yahay kuna kooban yahay inta u ladan meesha. Dadka intiisa badani waa faynuus waxay ifsadaan walowba ay jireen dad badanoo iyagu waxba aan ifsane mugdigooda muquurta, gabbalku markuu dhacana sidii gorayo gabbal u dhacay isugu soo urura goobtay ku hoydaan. Waxaa yare la roon yahay markii dayax jiro.
Magaaladu waxay lahayd dukaamo aan badnayn, waxa yaallina sidoo kale intay yaraayeen haddana noocya xumaayeen (waa alaab dibadda ah). Makhaayado sida badan laba jeer wax laga cunaa way jireen manay badnee aad bay u koobnaayeen intay nadaafad yaraayeen bay haddana dhaqan xumaayeen.
Saacaddu markay gaarto 7:30 magaaladu way seexan jirtay dhammaan. aan ahayn ruux qarraaf, xan ama hawlo kaloo gaar u socda.
Iyadoy xaajadu sidaa tahay oo kol hore laga seexday, mid mid meelahaas miraafaya mooyaane, ayaa awrtii safarka ahayde Maryan siddey soo gashay. Nimanka safarka wataa magaalada way kala yaqaaneen oo waa halka kaliyoy adduunyada kala xiriiraan. Waxbana dhib kalama kulmine, mar alla markii la soo galay ayaa nin waliba inta Awrkiisii xiriir furtay la aadey cidduu yiqiine dantu ugu guntayneyd. Intaan la kala harin ayaa odaygii garwadeenka iska dhigayey yiri, War aynu beri subax iska war hello si aynu isu ogeysiinno waqtiga ambabaxa in aynu dhaqsannaa waa lama huraan bay ila tahaye”.
Inamadii mid ka mid ah ayaa istaagay Awrkuu gar hayeyna joojiyey oo yiri, ‘Waa lama huraan taasi oo adaannuba bal beri kuu iman doonnaa, maxaa yeelay, adaa suuqa naga badiya, reer magaalkuna sidaadba ogsoon tahay waa tuugo aan kuu naxayn. ama aqood ama ha aqoone”.
Intuusan hadalkii dhammaysan ayaa midkii kale inta qosol beenle kajan ah qoslay wuxuu yiri, “war waa in la dagaallamo oo kolley waa layna dhacayaaye aan ugu yaraan yaryarayno dhiciddaas, Odaygii baa yiri, “taasi shaki ma lehoo waxaa u daliila magaaladuba maxay ku dhisan tahay sow waxay reer baadiye ka dhacday ma aha.
Meeshan warshado kama furra, beero ma laha, bansiin ama macaadiin kale kama qodna. waxa kaliyee magaala ka dhigay ilaa iyo maantana ay u jirtaa sow dhaceenna ma aha. Balse ha la iska war hayo oo beri aroortii aynu isugu nimaadno makhaayadda curyaanka ee afka madow, waana in aydinaan waxba gadin ilaa meelaha inta galgallo bal wax kala ogaanno; intaa iyo habeen wanaagsan”.