Mar waxaa jira Bani adamku ka garaad hooseeyo xayawaanka sida Rabbi swt quraanka kariimka ah ku sheegay tusaale ahaan Xayawaan lab oo lab kale wax ka dayan lama arag Baniadamkuse waa sameeyaa caado ahaan markay umadi Halgan ku jirto dadka wuxuu qaybsamaa labo; in meel dheer wax ka aragta dan gaar ahaaneed ama shakhyideed aan eegin ee mustaqbalka jilalka dambe iyo kooda akhiro diirada saara isagoon wadadaa ooga leexinhaynin dil iyo dacdaro, wixii ku yimaadana dan ka galin, waana sidaa sida Diinteenu na fartay, waa jidkii NELSON Mendalle u maray gobanimada uu xabsiga dheer, silic iyo saxariirka leh oogu jiray maantana dadkiisii ku naaloonhayo oo ka midyihiin kuwii iyagoo hubaysan la safnaa Ismicmaarkii Midabtakoorka iyo maangaab calooshisa la garaad ah waxba aan fahmayn caqligiisuu wuxuu ku salaysanyahay aan la garanhaynin, aayado quraan, axaadiis iyo xikmad kale hadaad daliil oogu keento ma fahmayaan sidii Qomkii Dulqarnayn ku arkay labada Buruud dhexdooda ee ku dhawaa in anay hadalba fahmin.
culumada waxay caddeeyeen in ruuxa bani adamka Garaadkiisa, heerkiisa wax garashadu iyo caqligiisa ay saamayn ku leedahay sida hadba loola dhaqmo tusaale hadii ruuxa markasta laliido, in la dulmiyo caado looga dhigo, la dilo, xaqqiisa la duudsiyo ,xoolihiisa la qaato ,cirdigiisana lagu tunto ugu dambaynta sidaa ayuu iska qaayibi ilaa uu uqaato in sidaaba loo abuuray , Damiirka iyo dadnimadu ka dhimato, waxbana aanu ka diirin hadii dadkiisa la dilo ama la dulmiyo, la kufsado, la xasuuqo, la xiro xataa Ooridiisa iyo Gabadhiisa hadii lagu hor kufsado ama lagu hor dilo aanu ka diirin iskaa daa dad kale bal cadawgiisa ayuu gacan ku siin sidii loo dulmin lahaa, loo dili lahaa, loo duudsiyi lahaa, Saaxiriinti Fircoon Nabi muuse kula dagaalamayay Banuu isrealkii uu adoonsanhayay bay ahaayeen Nabi muusana loo diray in uu adoonsiga iyo dulmiga ka saaro, isagoo ka tirsan Guriga boqortooyada Faraacinta, kuna soo barbaaray oo shakhsi ahaantiisa hadii loo eego aan waxba ooga baahnayn in uu isbadal raadiyo Fircoonna manno-sheegad iyo hanjabaad isugu daray isagoo ku yiri waanu ku soo korinay, kuna soo barbaarinay sanado badanna waad nala soo noolayd dambina waad gashay isagoo ooga dan leh in uu xaqa ALLE iyo ka umadiisa ka tanaasulo jawaabta uu bixiyay NABI MUUSE waata loo bahanyahay dadka Soomaalida in ay tusaale u noqoto. sheekada Isticmaarka gumaystaha u soo dhiibo maangaabka Dabaqoodhiga ah ee ah hormar iyo nabad aan midna jirin, MUUSE CSW wuxuu ku jawaabay nimcada aad iigu manno-sheegan ma in aad Banu-isreal adoonsatay baa?.
Nin Soomaali sheegta ayaa igula dooday aniga shakhsi ahaan hebel iyo hebel waa nimanka ii suura galiyay hooyaday oo 70-jir oo aan baadiyo ka keenay in ay Bassaboor ka qaadato ADDISABABA waxaan ku idhi taasi waxay cadaynhaysaa sida aad u dulmantahay hadaad fahmayso markaad dalbanhaysay Bassabooka Australia yaa kuugu manno sheegtay yaase kugu caawiyay? xaq baan u lahaa ayuu yiri, markii sharcigu laguu siinhayay ayaa laguu sheegay in aad xaq u leeday oo aadan ciddna usii maraynin, xaqa aad leedahay iyo ka lagugu leeyahayna laguu kala cadeeyay, ciidaadii hooyana xaqa ay kugu leedahay iyo kaad ku leedahay mid ma taqaanid, sidii FIRCOON u sheegtay Wabiyadii iyo dhulkii MASAR ee Rabii swt adoomadiisa siiyay ayaa adna ciidaadii lagugu sheegin, maxaa hooyadaa Bassaboor Xabashi iyo Addisaba ka galay keedii away?
Dabta isticmaarku isticmaalayo maanta ee ah qaybi oo xukun, iska hor keen iyaga, hormar beenaad, nabad aan jirin, adeegsiga calooshood u shaqaytayaalka, maangaabka, damiir iyo diin laawayaasha wax cusub ma ah waana marxalad ay marto Ummad kasta oo doonaysa isbadal, doonaysay in ay dulmiga iska dulqaado, xaqeedana soo dhacsato mana daahaan, raadna kama tagaan wixii dadka anfaca wuu soo hadhi xumbada iyo baadilkuna wuu suuli-SADDAQA ALLAAHU ALLAAHU SWT.
Xamse Ahmed
X/qorraxey media