Gabyaa geeljire ah

Nin la yidhaahdo Shaafi Maxamed Yarow, ayaa isaga oo miyiga ka soo safray oo magaalada Godey jooga, waxaa Jaad ku casuumay nin saaxiibkii ah. Markii lagu yidhi; “Soo fadhiiso oo qayil” ayuu gabaygan kaftanka ah ugu jawaabay, wuxuu yidhi:-

Gabi kugu dun geel kugu durduri gaal ku maxabiisay

Gawsaha lagaa daadi iyo iligga gaankoo dhan

Sida geela geedaha u daaq waa geftaal kulule

Gablaney aqoon xumo maxay galabba heer joogtay