Saanad

Allaha u raxmee Cilmi boondhari

1.      Ma samaynin waayahan tixdii saaniga ahayde 

2.      Waataan ka saahiday tan iyo sebenkii dayreede 

3.      Xaluun ba saqdii dhexe hurdada wax i salaameene 

4.      Aan sifeeyo inantii tiriig saxan la moodaayay 

5.      Ilkaa sadaf la moodiyo wajiga lagu saruureeyey 

6.      Timaha basari baan subkine saaran garabkeeda 

7.      Sanka iyo indhaha iyo afka sida sabiibeed ah 

8.      Suniyaal madoobey qalbigu saakin kaa noqoye 

9.      Soomaali, Carab iyo Hindiga sooyo laga keenay 

10.    Inta sabada joogtiyo khalqiga waad u sidataaye 

11.    Soo soco sidciyo qaaliyey saanad baad tahaye