Isma burin bayaankaan rabiyo bixisadaydiiye
Ballantana sidii baan rabaa inaan ku beegaaye
Waxba aniga laygama baddalin barashadeeniiye
Ma baylihin axdigi loo biltamay waan u bogayaaye
Hayeeshee badhkeen baa sinnayn labada baalloode
Adigaana badawow lahaa booska dheelliyaye
Anigana bartaydaan hayaa baaqigii hadhaye
Waxaan barigi kugu aaminaa baaday lumaye
Basanbaaska waxa noogu wacan baadi baa tahaye
Haddii aynan bayd laysku yidhi wada bariinaynin
Maxaan nolasha buunbuuninaa waa baq iyo dhay’e
Af-guun