Iyadoo meesha marka lagu kala dhaqaaqay magaalada dhexdeeda ahayd, ayaa Maryan oo indhawaaleba sidii magaalada loo soo galayba ka yaabbanayd daaraha ama dhammaan guryaha dundumooyinka iyo gabiyada ama boholaha iyada ula ekaaday magaalada lagu sheegayo.
Waxay aad ula sii yaabbanayd ifafka batarmakisyada oy is leedahay, “dadku armay is gubaan, mise waaba wax kalee dab ma aha.”
Maryan weli waxay saaranayd ratiga guudkiisa, Iyadoo yaabka iyo amakaagu ku sii badnaaday ayaa odaygii ratigii hoggaansaday. Goobtuu u socday ayuu tagey. Waa meel bannaanoo guryo dhawroo carshaan ah hortood ah. Haddiiba inta arrumay oo Maryan soo dajiyay ayuu heeryadii ka rogey. Intuu kiciyey oo yare sii taxaabay buu meelaan fogeyn inta fariisiyey dabar iyo qarqaarsi isugu jabiyey. Heeryadii iyo jawaanno maran buu inta dhinac isugu dadey wuxuu u soo dhaqaaqay dhankii guriga.
Maryan iyadoo go’ii isaga ahaa hullaaban aadna meesha uga cabsanaysa bay sidii roob xoog lihi hayo dhaxanna u go’aysa inta isa sii duuduubtay meesheedaa iyadoon wax haqdhaqaaqa muujineyn sidii jirid qallalan oo meesha ku taal taagnaatay. Indhahay wax ka eegeysay oo kaliya. Jirkeedu inkastuu aad u daallanaa una baahnaa dhaqdhaqaaq, fadhi iyo jimicsi badan haddana sidii dhulkay taaganayd cunayo ayay meel kasta ka cabsaneysay. Waxay ka cabsaneysay xitaa in la yiraahdo “maxaad meesha u taagan tahay orod ciddiinnii aad!”
Odaygii baa gurigii garaacay waana laga furay oo inta lagu soo boodey kor loo qaaday. Qofka odayga qaday ee rayraysanaa waa qof haween ah. Farxad dheeraad ah ayaa qofkaas ka muuqatay. Markii cabbaar laysku dhegganaa ee hadba dhan laysula dildillaamayey ayna mar dambe odaygiiyo weli gacanta haysta naagtii wuxuu dib u soo daymooday Maryan oon weli ka dhaqaaqin cageheeda meeshay dhigtay markii odaygu Awrku ka soo dejiyey. Uu soo daymoonayey maahee, islaantii isaga ku dhegganayd ayaa dareentay in cidi isaga la sootay dibna uu u daymoonayo. Markaasay intii qof naxo naxday oy istiri, maantaa ceebowday, bay dhankii guriga u sii booddey iyadoo guriga ka soo jeeddoo is qarinaysa bay tiri, “ma cid baa kula socotey! alla ceeboobey”
Odaygii intuu qoslay buu yiri, “Maxaad ku ceebowday ma ceebaa haddaad odaygaaga dhuunta ka gashid, sowtaan laysku keen ogyahaye aynu isu dhaxno?”
“Iga daa caawaan ceeboobaye! Lillaahi cid miyaa kula socotay, run ii sheegoo” bay tiri.
Odaygii intuusan u jawaabinba dib ayuu isu soo rogey oo Maryan intuu u yimid, isagoo garanaya waxa haya, gacanta soo qabtay. “Adeer, na keen.” odaygii baa yiri.
Maryan way raacday, socodka way garan la’ayd sheex baqdineed darti. Intiiba wuxuu geeyay gurigii oo faynuus ifinayo.