Q-14aad adeegto

Maryan way maqlaysaa hadalka iyada u dhacaya, markaasay iyadoo gocanaysa dhibaatooyinki horay u soomaray baysan haddana ugu muuqan meel ay wax ka tiraahdo iyo cid sidaa uga bihinbihaysa dhibta haysata aragtay inay xabaal mariwaa tahay qadarro badanna ka soo noolaatay, sidaa daraaddeed, iyada waxa naagta ka nixinayaa dhib sidaa u weyn lamaba aha. Markaa inta si walba naftii ugu soo noqotay baysan wax sidaas ah tabanayn, aan ahayn qalada magaalada ay ka qaloonayso, xanuunka dabku gaarsiiyey iyo ciirsi la’aanta la soo gudboonaatay, inkastoo cid alla ciddii kaloy la kulantaaba u dhaanto aayadeedii bahalaha siisay.

Xanuunkii baa marba marka ka dambaysa ku soo kordhayey, ilaa ay cagihiiba dhulka dhigi weydey oy sidii ruux curyaan ah meel iska qotonsatay. Waxay soo baxday yatiin isha uun ka mirigsiinaysa. Reerkay la tiil may ahayn reer sidaa ula socda faa’iidada daaweynta iyo la dagaallanka jirada iyo weliba iyagoo Maryan u arkayey qof aan sidaa u sii ridneyne micna daran.

Maryan muddo ayan hadlin baqdin iyo sheex dartii. Dhibaatana waxa timid markay sidii horayba u dhacday musqul u baahatay. Aragtay inayan socon kareyn, danina aysan ka fursanayn inay ciidan gacan qabtee ifka geeya hesho, walowba ay aad u fiigsanayd afadii horayba u soo kaxaysay ayaa ilaa iyo markaa aad isugu taxalujinaysay bal inay u qabato ugu yaraan waxyaalahay tabanayso. Haddaba wax bay weydiisaa inay cunto rabto, biyo, dhaxani inay hayso. Maryan meeshay reerka ka deggeneyd waa meel aad u qashin badan, had iyo goorna aan digaag fagta, dabacaddeeye cayrsanaya iyo mukulaalo laga waayin, waa meel u dhexeysa jikada iyo guriga intiisa kalee balbalo ah laba saddex jiingadoodna saaran yihiin; markii reerku marti qaad qabo iyadaa sida badan wax lagu karsadaa oo had iyo goorba waxaan laga waayin dambas, jaqafyo iyo waxyaabo laysaga tuuro.

Maryan baa inta adkaysan weyday, iyadoon wax hadal ah oran sidii meesha loo dhigay, waxay tiri, “Eeddo, wax ifka ii garab galaan rabaa xaggee baase loo if tagaa?”

Islaantii awalba xannaaneysay ayaa markay aragtay inay hadlayso inta faraxday oo soo booddey si fiican u maqashay hadalkay leeday. Waxba umay kaadine intay kor u soo hinjisay bay u garabgashay xaggii musqusha. Islaantu waxaysan dhab u fahmin ujeeddadii weyneyde Maryan lahayd ee ahayd “xaggee loo If tagaa”, isma ay lahayn qoftani musqusha ma taqaan.

Waxay sii walwaasho iyadoo raadka meelahay dhigto dhacaan ku sii dhaafaysa cud iyo wasakhna ka sii qaadanaysa ayaa ugu dambeyn Maryan waxaa la geeyey meel musqul loo yaqaane qol yaroo dusha ka furan ah, dhererkiisuna uunan sidaa u ridneyn. Waa ciriir darbiyadiisu soo kooban yihiin, qof dibadda joogaana hadduu maago inuu soo hanqaloocsado ay u sahal tahay aragtida waxa gudaha yaal ama jooga. Afadii Maryan sidday iyadoo is leh, way garanaysaa isticmaalka goobtaas bay markay ku hubsatay gudaha Maryan dibadda isaga baxday.

Maryan oo dhinacya badan laga hayo oo musqushii ama qolkii yaraaye aan dedneyn, godkuna ka dhex qodnaa, dhex joogta is aragtay. Iyadu dareentay in wax meesha loo keenay ay tahay if-tag. mase aysan garan habka loo isticmaalo. Dhinacyadey eeg-eegtay. Waxay aad isugu dayday maysan gafine sida loo baahan yahay ay yeesho. Cabbaar bay ka fiirsanaysay. Waxay indha-indhaysaba mar uun bay dareentay godka qolka ka qodan.