Gabyaa caan ah oo la odhan jiray Daahir Cali Nuur ayaa wuxuu dareemay in ficillo iyo hadallo uu qoonsaday kula kacayaan qolo uu la joogay, markaasaa habeen la isku kansho helay meel lagu caweysimayo wuxuu ka tiriyay gabay uu kula hadlayo, waxna ugu sheegayo dadka isaga daandaansiga ku haya, wuxuu yidhi:-
Aarka oo qatimay oo qatimay quudna ka abaaday
Qaxar weeye gaajee hadduu qaadan kari waayo
Qarriduu jiraayiyo hadduu qawgi ka imaado
Qolqol reera ooteen hadduu qoobka soo galiyo
Ma qummane’e waa maxay haddii nabar la qaysqayso
Qarjajaaba oodeed hadduu qun uga soo boodo
Wuxuu qoobka saariyo wuxuu qoorta jabiyaaba
Isagoon is qarinayn hadduu qawlalada leefo
Eebbahay un baa qaban karoo waa qalaadyahaye
Anna qaabki baan ahay haddii la i qulleeyaaye
Inta aanan qablamin yaa dadaw qaybti ku ekaada
—
Qaniinyadu ninkay gaadho oo halaqu qaysqayso
Wax u qoda wax soo qooya iyo qararri soo diira
Qayrkii ma gaadhiyo ninkay qooqi jiray waayo
Anna qaabki baan ahay haddii la i qulleeyaaye
Inta aanan qablamin yaa dadaw qaybti ku ekaada