Magaalada hareeraheeda dhurwaa iyo libaaxba waa laga helaa. Dhanay magaaladii ka abbaartay garan wayday. Wax kale iska daayo sinaba u garan mayso meelahay soo martay. Dhaxani may jirto, kuleylse waa jiraa oo waa kaad cirku kacaansanaa. Daruura biyeysani waa buuxaan qaar ayuunba ka hillaacayaa.
Intuba inta ka dhaqso lehe, Maryan oosidii u yaabban; meel bannaana taagan iyadoo is leh haddaad guryahan ku dhawaatid armaad dembi gashaa, ayaa cirku ku soo daatay, isagoo huufada, hillaaca iyo onkodka uu turayaa wax kale yihiin. Dhibicda ka dhacaysa xooggeedu wuxuu wax yeelayaa dhagxantiyo cidda naf cidla u taaganna iskaba daayoo. Cirkii wuxuu da’ayey muddo dhowr saacadood ah isagoon kala go’ lahayn, dabayl dhaxan beergooyo ah wadataana u dheer tahay.
Maryan iyadoo dhibicdiina dusheeda ku tagtay dhaxantiina ku cashaysay walowba ay weli dhacayso ayay qabow galay iyo iyadoo awalba aad u itaal darrayd darteed waxay bilowday inay kalyaha ka booddo, ilkeheeduna sidii dawaar qof toli yaqannaa shubayo u ciyaan afka iyo sankana duuf iyo dhareer ka shubto. May garan guryahan gabbaadso oowayba ka baqday. Way togantey oo sidii gurma go’an kol hore qallaley waxay ku qodbanaatay goobtay caawoo dhan taagneyd.
Magaaladu way huruddaa, dadyow inta gurigu ku darrooray ama biya u soo galeenoo iska asturaya mooyaane.
Odaygii iyo afadiisii baa markii dabaysha xoogga lihi dhacaysay waxay dareerneen irridda furanee is garaacaysa. Afadii baa inta soo kacday aragtay irridda. Way fahantay in yartii maqan tahay waxa furayna aan tuug ahayne iyadii baxday tahay. Waxay ka gaabsatay inay ninkeeda u sheegto iyadoo is lahayd wuu daallan yahaye waxba ha dhibin darteed.
Maryan iyadoo sidii u leeleesan goobtiina taagan ayaa waagii dusheeda ka beryey wadaaddadii addimayey ayay mooddey dad isu qayshanayee iyada baadi goobaya. Waagii bari oo dadkii soo wada dardareer. Dadka meelaha marmarayey way arkayeen Maryan waxayse u hasteen inan yaroo dab iyo wax la mida dooneysa. Mar dambaa naag dhawr kol taagnida Maryan isha ku dhufatay gurigeeduna meesha yahay yare shakiday oo istiri qofka maxaa meesha ku dhidbay. Haddaba way la ahaan weyday inay inta u timaaddo wax weydiiso.
Maryanna meeshii ka dhaqaaqi weydey oo wayba togtogantay maba dhaqaaqi karayso ilaa ama la qaado ama la diiriyo mooyaane, naagtii aragtayna u iman weydey. Dadyow kalaa iyana arkay qofkan meesha ku dhidbane aan dhaqaaqayn.
Mar danbe, inkastoon weli lays weydiin ayaa naagtii dadka u hor aragtay intay soo dhaqaaqday Maryan u timid. Intay isa soo agtaagtay bay tiri, “Haye gabadha, bal iska warran, xanuun miyaa ku haya?’
Maryan in yaroy indhaha wax ka eegayso mooyaane dhaqaaq iyo hadalba waa deysay. Naagtii baa waxay aragtay in qofta lahayo si kastaba ha loo hayee. Aragtay inay tahay qof baadiye ka yimid; weliba mid fog oo dharkay qabtiyo saansaankeedaa laga garanayaa. Naagtii intay yare naxariiso is tiri bay damacday gacanta qaboo inta meel fariisisid wax ku qabo. Ay qabatayba waxay dareentay siday u qabowdahay una dhaxamaysan tahay. Intay isku duubtay bay u garab gashay dhankii gurigeedii. Meel bay inta fariisisay shaah kulul faraha ka saartay.
Maryan oo gacmeheedu dhaqaaq gab ku dhow yihiin xanuun dheeraadna ka tirsanaysa ayey fadhigii la fariisiyey shaahii qabso maagtay markaasuu ka fara baxay. Aad buu u kululaa, kubabka iyo caguhuna kaga daatay, markaasey wax dareentay. Naagtii ayaa inta aad u naxday waxay la soo carartay sonkor iyadoo meeshii shaahu kaga daatay ka marmarinaysa. Awal bay nabarro iyo xagtimo tiro badan meeshaas ku lahaydoo dhaawaceedu ma yarayn.
Mar labaad baa shah loo soo shubay oo looma sii deyne inta loo qabtay la cabsiiyay. Waxaa kaloo agteeda la soo dhigay burjikadii reerku quraacda ku karsanayey si loo kulaalsiiyo dhiigguna ugu diirsamo. Waxaa yaab lahaa duufka sanka ka da’ayey badnaantiisa iyo sidii qabowgu ugu tagaye ay u gariireysay. Mudday qaadatay nolol ku soo celinteedu, inkasta oo wax nolol la moodey ku soo noqotay. waxaa dhacday inay humbuluuluqday hurgunna asiibay. Waxaa taa ugu wacnaa iyada oo oogadeedu aad u wasakh badnaydoo ayan muddaba qubeysan laga yaabee dhalatayoo in aysan Maryan roob mar uun ku da’aa mooyaane aysan qubeysanin iyadoo jirkeedu tabar gabay iyo weliba nabarro iyo dhaawac horoo qarfadii iyo oodday soo jibaaxday gaarsiiyeen qabtay.
‘Alla tani mid nool ma aha way dhimane yaa u dadoo aan la doonaa’” Afadii soo qaadday baa tiri’