Xilli lagu qiyaasay dabayaaqadii qarnigii 19aad, intii aanay daraawiishi wali qalabka qaadan, ayaa dagaal khadhaadhi dhexmaray labo jilib oo Soomaali muxamed ah. Wuxuu dagaalkaasi ka dhacay meel miyi ah. Waxaa dagaalkaa gabayo digasho ah ka tiriyey rag dhawr ah, iyagoo nimankaa haybta wada sheegta ee birta iska aslay ku diganaya. Waxaa sidoo kale gabayo calaal ah mariyey niman qolyihii isku baaba’ay kasoo jeeda.
Maxamed Bulxan oo lagu naanaysi jiray Maxamed-cawar oo nimankaa is laayey la hayb ah ayaa haddaba gabay uu kula hadlayo raggii dagaalka ka calaacalay iyo kuwii ku digtayba mariyey. Waa gabay qudhiisu hawaalawaran iyo calaacal u badan. Wuxuu Maxamed si balaadhan uga waramay colaado badan oo dhulka Soomaalidu degto xilligaa ka holcayey iyo abaaro xun oo dadkii naafeeyey. Waxay dulucdiisu tahay in dhibaatada bahdii ku dhacday dad badani la qabo oo aanay gaar iyaga uun ku ahayn. Wuxuu yidhi:
Burhaan gabay Bullaalow baryahan, beerka kuma hayne
Waataan ka baalidey sidii, beeyo roob helaye
Xalaybaa habeenkoo badhtamay, baan la ii tumaye
Aan bayansho waataan tixaha, buuni ku ahaaye
Balaayada adduun wali ma iman, bohoradeediiye
Buuray ku joogtaa intay, reero baabi’ine
Hadba qolodii bocor haysataa, loo bun dubayaaye
Badhaadhiyo sabool baysu jira, laba bidhaamoode
Banka xoolo lagu foofiyaa, biid kasoo hoyane
Ninkii baxaya buuraha jinkaa, loo bidhbidhiyaaye
Booraamo hadimuu Iblays, uga bidhaamaaye
Waxaa lagu bilkaydaa kuwii, boholo Faaf yiile…