Q-12aad taxanaha Adeegto

Gurigu waa guri aad u qurux iyo dhaldhalaal badan markii Maryan loo eego, waxaana iska leh odayga. Afada meesha joogtee hadda ku dheggeneyd isagaa qaba. Isagu waa laba reerle miyi iyo magaalaba degeen. tan dhawaan buu guursadey, welina carruur may dhalin. Miyiga mid kalaa u jirta ad u da’ weyn. Carruurtiisu ma yara waa ilaa toban iyo sagaal. Naaga badan buu furay ilmahan badi dhalay. Haddase wuxuu aad ula hayaa minyarada cusube dhawaan soogalka ah. Danta ugu weyne uu Maryan ugu mintidayey wa isagoo rabey inay u adeegto afadiisan.

“Haye caawa gabar baad ii waddaaye. Allaylehe gabar waan u baahnaa. Ma kuwaad dhashaa mise waa cid kaIe?’ Afadii baa tiri ‘Ama anagu aan dhalo ama cid kale ha dhashee kolley haddaad ciidan heshay sow baraare kuuma ah? Anigu iskiin barimaayee, idminku is barto waydinkaas, taan aad uga dardaarmayaa waa inay xannaano wacan iyo daryeel heshaa, ayan ahayn raggaan isku dillaye ku kala dhimmanay bay aadi doontaa,” Odaygii baa yiri. Afadii baa waxay ka shakiday isku-dilka iyo wuxuu sheegayo, waxbase may sii weydiine cuntay soo diyaarisay. Intay marmareysay bay mar uun Maryan inta isa soo dul taagtay tiri, “Haye adigu magacaa?’ “Anigaa?” baa Maryan dib u waydilsay. “Yaad u malaynaysaa Inaan su’aasha weydiiyey oon adiga ahayn?” Afadii oo yare ilka caddaynaysa ayaa tiri.

Odaygu markaa musqushuu jiraa oomaba joogo. Iyadoo aad u sheexaysa gebidana hoos u rogeysa bay tiri, “Aniga Maryan baa lay yiraahdaa”.

Meeshii baa casha la soo dhigay. Maryan baa inta qayb la siiyey la yiri cun. Sheex darti ayay cuni weydey in mudda ah. Ugu dambaystiise cuntay. Dhibaatada ugu weyneydse waxay ahayd markii saxaro gabatay oy garan weydey si ayyeesho. Iyadu musqulaha ma taqaan iyaguna ma ay garan oouma tilmaamine dantooday ka wateen. In la seexdo markii la maagay, oy Maryan in xaajo dhabqi doonto, haddayan banka aadin aragtay ayay xanuun isku ridey ooilleen way garanaysaa in dhibaato ka imanaysee is tiri iska moos. Inkastoy aad u cabsanaysay neeftuurkeedii ayaa mar dambe odaygu dareernay; intuu u yimid buu weydiiyey in xanuun hayo. Arag in si kale loo hayo maadaama ay ahayd qof baahan cunto badanna cuntay horayna u soo qaatay. Intuu faynuus qaaday buu tusay musqishii iyo siyaabaha irdaha loona furo loona xiro.

Waxba may galine sidii qof geli doona bay inta madaxa u ruxday meesheedii ku soo noqotayoo wax seexanaya iska dhigtay. Odaygii wuu iska seexday. Maryan mar alla marka is tiri malaha la seexay bay oodda jabsatay, iyadoo meelay ku saxarooto adduun weynaha ka baadi goobeysa. Musqusha la tus. ha yeeshee, uma qaadan inay run tahay, oowaxay is tiri (waaba aqale sidee baa loogu saxaroon karaa.)

Iridda markay ka baxday bay orod is xaabisay iyadoo baaddiye iyo meel cidla’ ah goobeysa. Waxay ogsoon tahay in hadday oroddo oooroddo ay ugu dambaysta magaalada ka bixi doonto waxay oroddaba siday filaysay noqotay, taasoy ban cidla ah u baxday.

Kaligeed maahee magaaladuba aad bay banaanka hareeraha ka xiga u isticmaashaa, guud ahaana musquluhu way ku yar yihiin. Markii roob da’o geedaha ama cawska magaalada dhinacyadeedu aad bay u baxaan una tanaadaan, jiridda iyo caafimaad xumada ka imanaysa laysma weydiiyo.

Maryan waxaysan meesha keensan inkastoo lagaga weyna inay guriga soo garan doonto iyo in kale, goor damboy ladan tahay ayay dib u soo laabatay iyadoysan sumad iyo tilmaan midna u kala lahayn magaaladu. Isku mid, midab, malluug iyo magac bay guryuhu u wada lahaayeen. Habowgii hore mid kala xigay oo Maryan mar kalay gacan ubaahatay.