Gabayga Qurbe-Diid & Nageeye Cali Khaliif – Safiirka

1. Dabuub Gabay Baryahan Waan Ka Tagay Deelka Maansada E,

2. Indhawaydba Waataan Dakanay Da’ Iyo Woowgiiye,

3. Caawana Ma Doonane Waxbaa Daabac Ii Lulaye,

4. Adaa Igu Danqaaraye Ma Rabin In Aan Daliilshaaye,

5. Danseeg Maansadii Aad Tidheed Golaha Deeqsiisay,

6. Dirir Hooray Iyo Bay Ahayd Mayaygii Dayreede,

7. Allaylehe Abwaan Dereja Loo Daaciyaad Tahaye,

8. Hayeeshee Wax Aan Diidayoo Door Ah Baa Jira E,

9. Erayadan Dubaaxda Ah Adaan Kuugu Duurxulaye,

10. Deelqaaf Ma Yaalee Runtaan Kuu Dul Marayaaye,

11. Waa Dood Abwaan Oo Farshaxan Laga Dareemaaye,

12. Doc U Yeelo Waa Wada Su’aal Gabaygu Deeqoowe,

13. Ceebaha Qurbaha Daadsanbaan Kuu Dul Marayaaye,

14. Sunta Malabka Laysugu Dariyo Diiday Gaalnimo E,

15. Anigaa Qurbaha Diiday Oon Doonahayn Europe E,

16. Dhaqan Dooris Anigaa Nacoo Diinta Laasimaye,

17. Dulinimo Anaa Diiday Iyo Daalin Daba Jooge,

18. Dawarsiga Anaa Diiday Oo Xoogsi Door Bidaye,

19. Dalkeenii Markii Laga Qaxee Dabadda Loo Dhoofay,

20. Diintiiba Qaarbaa Ka Tagay Daayin Soo Rogaye,

21. Qaarbaa Wixii Loo Diraba Diiday Odhanayne,

22. Dhaqankeeni Qaarbaa Diloo Raacay Duul Kale E,

23. Qaarbaa Dhashoodii Dacayoo Dollar Dhaafsadaye,

24. Kiniisadaha Qaarbaa Dagoo Gaalku Duufsadaye,

25. Hablaheenii Diintiyo Anshaxa Darajo Loo Siiyay,

26. Dal Shisheeye Goortay Tageen Dhaqanki Duugawye,

27. Dirayskii Islaamkiyo Ka Tage Maradii Daahnayde,

28. Daba Gaabka Waa Kuwa Xidhee Dhiishku Daashadaye,

29. Si Uu Fiise Ugu Soo Diray Europe U Daashooto,

30. Dumaal Hooyo Waa Wax Aan La Arag Doorkan Ka Horow E,

31. Walaashii Ninkii Dadab La Galay Ee Aqalka Loo Dayray,

32. Deelqaaf Ma Yaalee Runtaan Kuu Dul Marayaaye,

33. Diintii Islaamkiyo Anshaxa Dabada Weeyaane,

34. Waa Lagu Digtaa Duul Haday Xumaha Doortaane,

35. Ka Soo Durug Qurbuhu Waa Dayuus Doorkan Maanta Ahe,

36. Dalkii Hooyo Nimankii Nacee Dabad U Qaashaartay,

37. Dulinimo Raggaa Qaayibee Samihii Dayreeyey,

38. Doonyaha Kuwii Fuulay Ee Dhimasho Door Mooday,

39. Saxaraha Kuwii Lagu Daldalay Waan U Diir Naxaye,

40. Maxay Doonayeen Waa Su’aal Doodi Leedahaye?

41. Taariikhda Duuga Ah Haddaad Dib Uga Faalooto,

42. Muslimkaa Daciifka Ah Haddaad Yarahe Daymooto,

43. Dawladaha Islaamkiyo Haddaad Eegto Dariskeena,

44. Siyaasiyiintu Waa Wada Dayuus Doorkan Maanta Ahe,

45. Danihii Islaamkiyo Waxaa Samihii Diidsiiyay,

46. Europe-Bay Ka Soo Wada Darseen Double Degree-Giiye,

47. Diintana Waxay Moodayaan Shay Dubaax Gala E,

48. Idinkuna Dariiqoodibaad Dabada Haysaane,

49. Diintii Islaamkiyo Sunaha Uma Dadaashaane,

50. Danloob*1 Aragtidiisa Ayaad Derejo Moodeene,

51. Digtoonaada Waa Iga Wax Sheeg Diir Walaalnimo E,

52. Duco Waalid Ruuxii Qabuu Hadalku Deeqaaye,

53. Qofbaan Dhago Daloolaba Lahayn Waa Tix Dhagaxeede,

54. Damanaha Wax Uma Sheego Iyo Liida Doqoneede,

55. Doc U Yeelo Waa Iga Su’aal Hadalku Deeqoowe,

56. Xeebteeni Way Dihintihiyo Dagalkii Soomaale,

57. Tacabay Inaga Doonaysaa Duhurka Maantaaye,

58. Allaylehe Danseeg Waa Ninkii Diiday Xoogsiga E,

59. Dalkeenaa Wanaag Laga Helaa Daayinkeen Dhigaye,

60. Diintaaban Kugu Dhaariyiyo Daacada Ilaahe,

61. Gaalkuba Dadkiisii Hadduu Horumar Deeqsiiyay,

62. Diyaarado Haddii Uu U Diray Dunida Guudkeeda,

63. Haddii Ay Dagaaladu Dhacaan Amase Duufaantu,

64. Sanqadhaha Dabayshuu Fuluhu Dirir U Qaataaye,

65. Geesiguna Halkii Dani Tidhuu Libin Ka Doonaaye,

66. Darajada Ilaahay Ninkii Doonayaa Hela E,

67. Dulinimada Waa Laga Durkaa Daayin Abidkaaye,

68. Diiwaanka Maansadu Ma Aha Shay Dubaax Gala E,

69. Diintaada Lama Iibsadoo Waa Dugaanimo E,

70. Maxaad Adigu Ugu Doodaysaa Horumar Kuu Diiday?

71. Afartaa Intaan Da’da Ka Dayay Maysku Wada Duugay,

72. Ma Dawamiyay Deelqaafku Waa Kaa Dilaa Hadale,

73. Erey Kalena Waa Iga Digniin Diir Walaalnimo E,

74. Nimanyahaw Malaha Dunidu Waa Kama Dambaystiiye,

75. Damaciina Waan Yaabanahay Wada Dubaaqdaaye,

76. Qaarbaaba Hadal Soo Daldalay Duub Cad Iyo Faane,

77. Iska Dooda Maahee Runtaa Lagu Dadaalaaye,

78. Anigaa Dalkii Jooga Oo Duunyo Foofsada E,

79. Anaa Cadawga Kaga Dayran Iyo Gaalka Dibadeede,

80. Waa Deeq Ilaah Oo Fulaha Laga Daboolaaye,

81. Idinkaa Danseegoo Kufrigu Duub Idiin Tolaye,

82. Dibjir Iyo Waxaad Qorantihiin Deexatiyo Tuuge,

83. Bal Maxaa Igula Doodaysaan Doqoni Yeelkeede?

84. Erey Kalena Waa Duurxul Iyo Dood Markhaati Ahe,

85. Dacalada Nugaaliyo Anoo Jooga Darar-Weyne,

86. Dakadii Kismaayiyo Anoo Xamar Dawaafaaya,

87. Doonyaha Hargeisiyo Anoo Haro-Digeed Aala,

88. Diridhaba Awaariyo Ilaa Sagag Duleedkeeda,

89. Durdurkii Qalaafiyo Ilaa Doolo Iyo Faafan,

90. Sayidkii Halkii Uu Dagiyo Iimay Darafkeeda,

91. Dannood Iyo Wardheer Iyo Ilaa Gaarisiyo Dawga,

92. Dhagaxbuur Dusheediyo Ilaa Wabiga Daaciisa,

93. Dalkaygoo Barwaaqo Ah Anoo Dabac Ku Maalaaya,

94. Waa Su’aal Da’ Wayn Oo Nin Ragi Maragga Diidayne,

95. Maanigaa Dalkaygoo Nimco Ah Duhur Ka Dheemaala?

96. Maanigaa Dabayshiyo Hanfiga Saxare Door Mooda?

97. Maanigaa Intaan Dooni Koro Nolosha Dayreeya?

98. Maanigaa Intaan Dibada Tago Dumar U Maydh Maydha?

99. Maanigaa Dameeraha U Dhiga Qamandi Duugawday?

100. Maanigaa Daroogada Caboo Diinta Ka Caraaba?

101. Dawarsi Iyo Maanaa Ku Mama Xoolo Dibad Yaal Ah?

102. Maanigaa Kiniisado Dagoo Caydha Dahab Mooda?

103. Doofaarka Iyo Maanigaa Eyda Daba Jooga?

104. Balse Nimanka Ila Doodayoow Waa Su’aal Dihine,

105. Car Bal Diida Waydinkii Lahaa Waanu Dirirnaaye,

106. Darajada Ilaahay Ninkii Doonayaa Hela E,

107. Dalkii Hooyo Ruux Jooga Oo Dabac Ku Maalaaya,

108. Farxaanow Damiin Lama Noqdee Haw Dardaar Warine,

109. Idinkaa Dalkiinii Nacoo Duunyo Dhaafsadaye,

110. Waxba Visa Haysoo Dirina Doorkan Maanta Ahe,

111. Dalkaygaan Ku Noolaanayaa Daayin Abidkaye,

112. Iska Daaya Wuu Nooga Daray Dollarkii Europe E,

113. Waxba Gabaygu Yuu Ila Durkine Waxaan Ku Soo Dayray,

114. Waa Dardaaran Waayeel Waxaan Kuu Dul Marayaaye,

115. Doqoniimo Biirtaan Ilayn Cidi Dabiibayne,

116. Alle Dooriyoow Hadalku Waa Kaaga Darayaaye,

117. Dugsi Malaha Ruuxii Tashiga Laga Daboolaaye,

118. Inkastoo Dagaal Iyo Colaad Laysu Dacareeyey,

119. Inkastoo Dadkeenii Wacnaa Cadaw Ku Soo Duulay,

120. Bulshadii Dadaashaa Marbay Guul La Daristaaye,

121. Isku Duubni Iyo Wada Jirbaa Lagu Dan Gaadhaaye,

122. Waxba Daawashadu Yay Ku Hodin Saraha Duugaaye,

123. Dabac Caanaheedaa Ka Roon Dollar Iyo Caydhe,

124. Dalkii Hooyo Waa Lama Huraan Doqoni Waa Mooge,