Waxay sii walwaasho iyadoo raadka meelahay dhigto dhacaan ku sii dhaafaysa cud iyo wasakhna ka sii qaadanaysa ayaa ugu dambeyn Maryan waxaa la geeyey meel, musqul loo yaqaane qol yaroo dusha ka furan ah, dhererkiisuna uunan sidaa u ridneyn. Waa ciriir darbiyadiisu soo kooban yihiin, qof dibadda joogaana hadduu maago inuu soohanqaloocsado ay u sahal tahay aragtida waxa gudaha yaal ama jooga. Afadii Maryan sidday iyadoo is leh, way garanaysaa isticmaalka goobtaas bay -markay ku hubsatay gudaha Maryan dibadda isaga baxday.
Maryan oodhinacya badan laga hayo oo musqushii ama qolkii yaraaye aan dedneyn, godkunaka dhex qodnaa, dhex joogta is aragtay. Iyadu dareentay in wax meesha loo keenay ay tahay if-tag. mase ayan garan habka loo isticmaalo. Dhinacyadey eegeegtay. Waxay aad isugu dayday mayan gafine sida loo baahan yahay ay yeesho. Cabbaar bay kafirirsanayd. Waxay indha-indhaysaba mar uun bay dareentay godka qolka ka qodan. Way daymootay oointa aad u sii qooraansatay indhaha kusii fagiijisay ilaa madasa kala soo booddey bay tiri, “Hah weynaa. reerku meesha ma wax bay kuqurunsadaan. mise waaba ceelkay ka cabbaanoo ka biiroobey. Dhan ay wax yeesho iyadoo garan la’, dad kalena meesha in muddo ahba sugayeen, baa afadii meesha geysay inta shakiday waxay damacday inay albaabka ku garaacdo mise maba xirnoo waa siday iyadu hore ugaga tagtay waysoo riixday. Ay taabanaysay maahee wuu u furmay.