Maansada Dhallinyarada Xaaji Aadan Afqalooc

 Xaaji Aadan Afqalooc oo ahaa abwaan weyn ayaa gabay uu tiriyay si weyn ugula

dardaarmay dhallinyarada. Xaajigu waxa uu dhallinyarada u

tilmaamay in ay yihiin waalidkii iyo madaxdii berri sidaas darteed

looga baahan yahay in ay dedaalaan. Waxaana ka mid ahaa

gabayga:-

* Hadduu geed engego xaabadaa laga idlaystaaye

* Mid yar oo iniintiisa ahbaa soo awaal baxa e

* Isagaa anfaaciga hadhkiyo oodda kaafiya e

* Dadkana odaygu goortuu ka baxo iyo islaantiisu

* Ubadkooda hadhabaa tabcoo aayatiin hela e

* Markii Aadam iyo Xaawa iyo keynta la abuuray

* Sidaasay arwaaxdiyo dhirtuba ku isiraayeene

* Umaddaan shabaabkeedu hanan waa ayaan xuma e

* Inamiyo hablahaba waxaad tihiin aarankii kacaye

* Itaal gabe dadkiinii hore waydin aragtaane

* Idinkaa amaanada xilkii eeggan qaabilaye

* Iskaa wax u qabsada noloshu waa udub dhexaadkiiye

* Israafkiyo fadhigu waa waxaad ku anbanaysaane

* Axmaqnimo wakhtiga kaaga tagay oohin kugu reebye

* Ayaantii ku dhaaftaana waa waxaan la eegayne

* Axadkii kaslaan ahi sabool abidkii weeyaane.