Gabaygan Hilow la baxay waxaa billowgii 1990kii tiriyey Abwaan Xuseen Cabdi Xalane. Hillow, daltabyo, boholyow, xaraaro iwm ayaa Yurub ku helay, gaar ahaan wuxuu saluugay noloshii dhibka yarayd ee uu ku haystay Normandy, France. Wuxuu dib u xusuustay waayihii iyo degaankii uu kusoo barbaaray. Wuxuu is yidhi yaa habeyn madow ka dhaqaaqa oo Dul iyo Laalays kasoo jeedsada. Dani waa seeto e, duruufta ayaa saamixi wayday. Sidii ‘shucaraa’ul mahjar’ tii Carabta ee qarnigii 19aad horraantiisii iyo kii 20aad billowgiisii ka gabyi jiray noloshii ay ku muteen Latin iyo Waqooyiga Ameerika ayuu afkiisa la baxay oo uu Hillow mariyey. Mar haddii aanu awoodin inuu noqdo wuxuu is yidhi ka hadal nafta culayska saaran bal inuu inna ka yaraado walbahaarku.
Gabaygu ma dhanna oo intan wuu ka dheeraa, laakiin waxaanu ku qasabnay Xuseen inuu nasoo gaadhsiiyo wixii hadda uu ka xusuusto. Isaga oo aad garanayso inuu yahay nin “nostalgia” googaysay, ayuu wuxuu yidhi:
Habeen iyo dharaar waayadeer, jiif ka haajiraye
Hoteel quruxsan hoy iyo sariir, hadhac la ii waabay
Kuma soo hoyaadee cidlaan, kali hadaafaaye
Inkastoo xubnaha daal hayaa, hoyo idhaa fiidkii
Ma hadee hurdada layl dhexaan, ka hanfiiraaraye
Waxa raarta ii hilan cuntada, haqab la’aanteeda
Anoo xiiso weyn uma hayee, u hunguryoonayni
Waa anigaa hilbuhu weyd yihiin, hiifsan tabartiiye
Hablo quruxsan haasaawihiyo, dumarka hawshiisa
Kaba hadhay hawiyo naago aan, u hanqaltaagaaye
Hilow iyo daltabo waanigaa, heedadawga ahe
Hammo been ah yaa qurbaha, hura waxaa yaalla
Allow yaa intuu Harar ka dega, horey u sii dhaaafa
Hadaafaha intuu Nogob hardiyo, maayadiyo hawdka
Hilkii webigiyo yaa Godey, ugu hoydaa reero
Isagoo horweynoo dullaha, dhaaxo ku harraaday
Isagooy habeedii sibraha, haarufta u yeeshay
Afyaxaasle yaa geel hora, hollaca jiilaalka
Iyadoo hareeraha tolkaa, sheemadu is hayso
Oo aan hujuum laga baqiyo, had iyo khoof joogin
Hadh qabow intuu jiifsadoo, geed Higlo ah xaadho
Hal jaraalihiyo yaa shaxdii, boodhka ka higaadsha
Kaftan aan hinaasiyo lahayn, hadal la miihaaho
Isagoon hareeraha dayayn, hoosna dhuganaynin
Nimay hilib wadaagaan mar yaa, dhab ula haasaawa
Hal la qoodhiyiyo reer tolkey, geela ku habsaanye
Hormuudkiyo abeeraha hugmiyo, aaranka horbooda
Habaqlihiyo waa caadadii, horinba meel daaqe
Isagoo intuu qadaw habcaday, doogga ka han beelay
Oo hiira weynow ritigu doobta, ka hiinraagshay
Waa hibashadeedii waxaan, maanka ku hayaaye
Hulluuqiyo dullihii yaa mar kale, Daallan ugu heesa
Hoorkiyo sidkaha heetiyee, haarta kori waayey
Iyagoo gollaha hoose iyo, hudaha loo daayey
Halab caanaheediyo xunbada, waan u heellahaye
Geel haleel ah oo dhalay mar yaa, bidix ka haaneeda
Gu’ga hoorey hoodiyo raxmada, Eebbe hanadsiiye
Himmadiyo faraxda beeshoo, himilo qooqaysa
Heelliyo hublaha boodayiyo, heesiyihiyo jiibta
Isagoo hiddihii raacayoo, huganka reemaaya
Hablo dhoor leh iyo yaa mar kale, horin u dhaanteeya