Si lama filaan ah bay dalaq ugu soo tiri mise darbigay horay ugaga tagtay bay weli ku tiirsan tahay. Afadii aragtay inay weli qayirsan tahay, markaas ayay wax dareentay, maxaa yeelay iyadiba reer baadiye dhagxanta ka madax adag bay ahaan jirtay inkastooy markan inta noloshaa deysay ay markaa is reer magaaleynaysay. Sidoo kalaa dhibaato uga soo martay la qabsiga nolosha magaalada.
Tilmaan hufan inta siisay oo weliba tusaale meel mar ah faraha ka saartay bay u soo bannaysay. Maryan iyadoo si u qaadan la’ guryaha iftagga loo samaystay, iyadoo dadna meelay ku hoydaan ama ay foodda geliyaabna la yihiin bay caafimaadday.
Maryan inkasta oo weli nabarradii bukeen haddana shaqay bilowday iyo inay u adeegto afadii iyada ahayd bay noqotay. Waxaa ilaa iyo maalintii ugu dambeysay baadi goob ugu jira Aabbeheed iyo isna odaygii soo baadi dheelmaye magaaladaba keenay.
Lays moog, laysmana oga. Odaygii aabbeheed ahaa quus bay ka ahaatay, wuxuuna u deystay in kol hore dugaag cunay. Odaygii kalese, inkastuu aaminsanaa in ciduun magaaladani haysato, wuu heli waayey kana quusan waayey. Si fiican buu u baadi goobay, ha yeeshee muu haleelin. Intii uu baadi goobayey waa intay dhaawac- nayde aysan dibadda dheehan. Inkastuu dhawr beri u baaqday haddana ugu dambaystii markuu waxba waayey ayuu isaga tagey. Isaga iyo asxaabtiisiiba ku soo dadaale Maryan haddana si sahlan bay uga sibqatay. Odaygii wuxuu ka gaabsaday inuu saaxiibadii u sheego in inantay heleen dhuntay.
Dhanka kale, haddii sheekada siday inantaa u caymiyeen gaari lahayd aabbeheed, waxaa taa hor joogsatay cidahay ka yimaadeen iyo degsiimada aabbaha ayaan isku haadba ahayn. Ma kala war iyo sheeka heli jirin, waana laba degsiimo oo aad u kala durugsan isku meelna aan degin.
Si sahlan oo la oran karo way daboollayd ayaa Maryan ugu gacan gashay reerkay la joogtay markii ugu dambeeyay.
Maryan ugu dambaystii way biskootay inkasta oy dhibtootay, jirrada haysay iyo galtinnimada waxaa uga sii dhib iyo halaag badnaa iyadoo tillaabadii laqaado iyo dhankii la eegaba ka yaabbanayd
waxa magaalada la yiraahdo iyo nolasheeda aan iyada la fasaxnayne soo xirxiran. Qalo dhaga taag ah, sheex aad jirro mooddo, wiswis iyo yaqyaqsi dheeraad ah iyo amakaag ayay ka bixi weydey. Markay meel istaagto saacado ayay ku qaadataa waxyaalahayn aqoone indhaha ku fagiijinayso. Baabuur ama nin surweel qaba markay aragto waxaad moodeysay in yaab adduunka jiraa uunan u harin. Waxyaalaha ka sii yaabin jirey waxay ahaayeen cuntada magaalada sida baastada, suugada, mooska canjeelada iwm. Maxaa yeelay, weligeed waxyaalo ay horay u aragtay ma aha. Cunto waxay ka tiqiin caano, hilib, haruur iyo galley, oo weliba sida loo kariyaa ka duwan tahay sida reer magaalku u samaysto. Sigaarka, sanuunadda iyo dhammaan cunto-magaaladu Maryan meel dheer bay uga soo carfi jireen.
Yaabse waxaa lahaa maalintay aragtay dad caleen cunaya. Waxay u qaadatay dad waalan oo waa hore inta isku darmay aan waxba u dhawrsoonayn. Waxyaalo badan oy dhegta ka maqasho, ha yeeshee ayn aqoon ba jira, sida badanna dadka ma weydiisee waxay ugu kaadsataa inay indheheeda ku aragto. Erayga khamro way maqashay, welise ma arag. Maalin dambay ahayd markay aragatay nin qaar sare qaawan, surwaal jeexjeexan qaba, wasakh badan oo si u dhacdhacaya sidii nirig muqlaysan hadba inta lugaha isku marto afweynta goosanaya, ciyaalna dhagxin iyo cay la daba socdaan. Daqarro badan baa ka jeexnaa wuuna leeleesanaa. Ninkaas dadku wuxuu lahaa “khamruu cabbey oo waa sakhraansan yahay.”