Abwaan Khaliif Maniinaa

Ayaa waxaa ka fakaday dameer uu magaalo ka soo iibsaday. Wuxuu dameerki baadidiisi raadiyaba, maalin ayuu u yimid niman, wuxuuna weydiiyay dameerkiisi in ay arkeen, nimanka ayaa dhawr jeer ku soo celceliyay in uu dameerka Tilmaamo. Isna dameerka tilmaantiisa aad uma uusan garanaynin. Markaas ayuu tix gabay ah ku tilmaamay, isaga oo tilmaamaha dameeraha ee caadiga ah soo qaatay, wuxuu yidhi:-

Kaafleeday gabay waanigii keenay waayadane

Kursi baan ku qaatiyo maandhow kaaya xoog badane

Kurka kamaanan qaban hooyadii kaalmihii hora’e

Kalyuhuu u buurraa maandhaw kurus ma yeeshaane

Afkiisaa kadaawiir ahaa koobna ka caddaaye

Kajab lagama yaabiyo in uu geedo kaa kara’e

Futadaa kadoon iyo ahayd koora loo qoraye

Xiniintaa karkaar adag ahayd kolon risaaseede

Burjadaa kabaal iyo ka daran kaara soo dhiciye

Kun la joog ciyaartuu ahaa kaligi qaylyaaye

Dameeraha markuu kudahayaa lagu kalsoonaaye

Kud dilyow xaggee loola kacay koonkan laga waayee