Q-22aad Taxanaha adeegto

lyadoo xaajo sidii u dhabaqsan tahay oo reerkii inuu foofo maagganaa inta gebida wada rogtay ay ku lisayso ayaa Maryan miyirsatay. Aayar bay inta indhaha u kala qaadday madaxa la soo kacday. Isheedu waxay qabato waxaa u horreysay afadii iyada dishaye meelaan ka dheerayn taagneyd. Afadu sidoo kale waxay isha iyana ku haysay Maryan dhaqadhaqaaqeeda. Maryan indhe- heedu inay wax arkaan looma malayn karo oo dhiig baa sal iyo cirib ku taagnaa, ha yeeshee iyadu wax waa aragtaa.

Markay indhohoodu isku dheceen, iyadoo qof waliba wax u gaara uurka ku haysto, ayaa mar labaad Maryan inay suuxdo ku sigatay oo may aamusine iyadoo aaminsan weli in dil lala dul taagan yahay qayliyo baroor af labadii yeertay, “Alla baa’ayeey, aaa, aaa, waaw, waaw, waaw Afadiina intay awalba waa naxsanayde sii anfariirtay bay cagaha wax ka dayday iyadoo lagu raran yahayoo indhaha guduguduudan, dhiigga iyo afka digada ahee bararku simay kaqalbi dhaqdaqsan. Mayjoogjoogsaneis-dedday madaxiyo majaha laabatay neeftuurka ka baxayey waa qiyas la’aan. Hadal waxay ka tiri, “Alla alia, alia lumayeey, aalla maxaa igu watay la sii qaaddan baase beladu dhashay, alia jin baa dhalaan u malaynayaa, waled allaan insi u dhalin, maxaa yeelay hadduu dhalo waa la arki lahaa.

Maryan kani adayg ay u dhalatay dartii iyo ceeb ay u haysatay reer baadiyanimada bayan horay taariikhdeeda cidna ula socodsiin oy sal iyo baarba u daahdey. Meelay ka timide run ahna ilaa iyo hadda cid ogoo aan iyada ahayni ma jirin. Sidaa daraaddeed ayaaba afadu sii shaki galisay maadaama ay ahayd qof jin iyo khuraafadka aaminsan. Jirraaba ku dhacdy oy iyadu samaysate ah: dhal jin baad

dishey aduuna ku dili doonaa haddaan lagaa cuudin ama lagaa shidin. Si xun bay u aamintay arrintaa.

Maryan miyirsatay qayladiina joojisay. Aragtay in naagtii diley- say ayan hadda haysane agteedu cidla ahayd. Mar dambay eektay dhineceeda kale taasoy aragtay odaygii reerkee isagoo isna yaab- ban agtaagan. Intay yare isasoo qabatay bay fariisatay oy dhar ku sheeggii calaladaahaa isku hagaajisatay. Way xishoonaysay maxaa yeelay naag bisil bay ahayd. Waxba may kicine meesheedii bay fadhi ka miistay. Qof quus jooga noloshana ka samirsan bay u ekayd. Ilkihii ka jajabay bay tuftuftay, dhaawicii afka ka gaarayna taataabatay. Inkastoy dhaawacnayd haddana sidii wax maahsanee hurdo badan seexday bay u ekayd, walowba dhibaato ageheeda gabranayd quusgaabannaayjoogtay. Labada indhood intay isdaba dhigtay oy sidii qof quus jooga, wayba joogtaye, bay gebida laad- laadisay, dhulkana faraha la gashay iyadoo gacantay ciidda ku fagayso maahee tii kale dhulka u mudan tahay.

Ninkii oo meeshii inta isaga qallalay wax uu sameeyo garan la’ isagoon wax ka dhaahi jirin baa ugu damabayn Maryan kor yimid. Cabbaar buu hogtay. Hareeruhuu eegay. lyadii buu hoos u eegay. Madaxuu inta ruxay bushinta hoos yar qaniinay. Hoos buu inta ugu soo foorarsaday weydiiyey. Maryan, “ii warran sidee wax u dhe- ceen? Maxaa adigiyo Cibaado idin dhex maray? Adiguse sidee hadda tahayoo wax ku gaareen?

Maryan oo hubi weydey ujeeddada ninku leeyahay baa inay u jawabto ka maagatay. Aragtay in su’aalo badan la weydiiyey ha yeeshee, waxay aamini la’ayd ninkoo ay isba nacab u haysatay.

Ninkii oo in muddo ahba jawaab ka sugayey Maryan ayaa markuu arkay inaan hadal ka soo socon xaggeeda, su’aalihii mar labaad ugu celiyey, danta ugu weyn ee uu ka lahaa waxay ahayd inuu dambiga afadiisu gashay la duugo Maryanna la basabaseeyo.

Maryan inkastoyan garansiisnayn danta ninku wato, walowba ay ka shakisnayd bay, kaddib markii mar labaad su’aalihii lagu soo celiyey intay kuurkuursatay luquntana hoos isugu sii laabatay iyadoo gunuunuc leh waxay tiri, “maxaad iga weydiineysaaadbagoob joog baad u ahayd wixii dhacaye. Markii horeba naagtaada igama qabaneyne ma haddoo dhintay baad wax iga weydiinaysaa.”