Caaddifad!

Qof kasta oo adduunka ku nool wuxuu leeyahay dareen la xidhiidha damiirkiisa, kaas oo noqon kara dareen xun, mid fiican, mid fiidhoon, mid damman, mid naxariiseed, mid xaasidnimo, mid xin iyo qabyaalad ah, mid qaddiyad ah iwm. 

Caaddifadda marka ay xun tahay waa “Xin” iyo “Xaasidnimo” oo saldhigeedu yahay damiir xumi. Laakiinse Caaddifadda wanaagsan waa “Qaddiyad iyo dadnimo”.

Qofka damiirka xun caaddifaddiisu waa xumaan oo kaliya;-

-Xin iyo xaasidnimo

-Cadaawad

-Danaystenimo iwm.

Halka qofka damiirka leh, dadnimada leh caaddifadda dareenkiisu ay tahay wanaag;

-Naxariis

-Qaddiyad

-Dulqaad iwm.

By. Maanqar