Reerku inkastuu badnaa haddana waxaa laga la’aa qof inta aadaminimo iska baaro qoftaa bal in yaruun daymo gaar siiya siday u nooshahay dhan walba. Waxaa intaa u dheeraa iyadoo looba qaatay shay la leeeyahay, dadnimadiina laga saaray. Mararka qaarkood farahaaba la saari jiray. Waxaa loogu marmarsoon jirey maxaad ilmaha u aamusin weydey, waxaad soo gadday xumaa, halkaa ha fariisan, maxaa meeshan ku soo galiyay iwm. Dadka waaweyn iska daayo carruurtaa baacbacsan jirtay.
Maryan si walba cuqdad bay u qaadday waxayna soo baxday qof yare sirgaxan, barbaarintii iyo bulsho la dhaqankiiba ka xumaaday.
Waxay noqotay halqabsi iyo qof dhoohanaanteeda ama doqonni- madeeda lagu maadsado.
Isku soo duuduuboo dad waxaa ugu roonaa habartii soo heshay subixii iyada ahayd, dhibaatase waxay dhacday ka soo noqon weyday. markay aadday meelay ka soo noqon weydey. Maryan waxaa si rasmi ah ula wareegay Islaantii tagtay gabadheedii la qabay oo iyadiyo ninkeedoo carruur ciidda ah lehe dadna ugu cadowtinimo cawli xumo badnaa noqdeen dawladda Maryan gumeysatee gacanta ku haysa.
Subax aroor hore ah bay ahayd markii intii afadii guriga lahayd hurda bogtey ay damacday inay ninkeeda iyo ilmeheeda quraac u samaysato way soo baxday oo waxay dul timi Maryan oo meel jiko ku sheeg ah cajil dhammaadaye wasakhda ku taalla midab aan la aqoon u yeeshay ku hurudda. Barkin may haysan. Cajilku jirkeeda dhulka kama wada xigine inta qaarka hore ahoo keliya ayuu u goglanaa. Dusha waxay ka huwaneyd garbasaar nayloon ahoo waaya hore laga baxay oo duntu lagu huluuqay meel kasta tuur iyo taagtaag u yeeshay. Lugeheeda dhul iyo cirtoonna aan wax ka xigini umay ekayn lugo qof nool ku yaal, inkastoo reerku meel lagu qubeystee musqul ku sheeg lahaa haddana umay oggolaan jirin inay qubeysato, sababtoo ah biyaha reerku isticmaalo waa biyo dameero laga shubo oo aashuunno ku jira sida badanna aad loo tashiilo.
Islaantii cabbaar markay kor taagneyde ay dhegeysaneysay khuuradii iyo neeftuurkii rasnaanta iyo sixa xumada meeshay huruddey Maryan ka keeneysay bay mar dambe waxba tariib uma kicine haraati ganaca u gelisey, hadalna waxay ka tiri, “Naa kac bela kula khuura badnaataye, tani waxaan u malaynayaa inay qaaxa qabto, qufac badanaa oo khuura ku fool xumaa”
Maryan inkastoy soo booddey haddana haraatidii hore mid kalaa loo raacshay mar kalena waxaa la yiri, “Naa kacoo orod dab doon bela kula haylo badnaataye.”