Maryan iyadoon wax hadal ah ka soo celin dibindaabyadii gaarteyna iska qarsanaysa bay inta xaaxaabsatay, iyadoo gabadano lafaha ka gashay isla maroojineysa waxay u hitiqhitiq tiri xaggii irridda. Intay baxday iyadoon ogeyn meelay u socoto bay cabbaar markay sii socotay iyadoo weliba indhaha isku haysa waxay istaagtay meel dhexe. Intay indhihii kala qaadday bay hadba dhan eegtay, waxay kala hubin weydey inay qarweyso iyo in kale, maxaayeelay waxay aragtay habeen inay tahay meel dab laga helayaana aynsan jirin. Intay shakiday ayay cabbaar meeshii cidlada ahayd iska taagneyd. Iyadoo weli sidii ah baa ey isu orgaysan oo is dileysaa meeshii soo martay. Waxba iyagoon iska saarin qoob iyo qaylana isku darayey Maryan foodda soo saareen. Maryan inta naxday dheelalaabadiina si uga boodday bay irridda ka fooftay hadda dib isugu soo qaaday.
Mar alla markay foodda soo galisay, dab in aysan sidinna la arkay ayaa afadii horay u dirsatay halkay joogtey kaga soo boodday oo waxba uma sugine waxay isugu dartay dharbaaxo, dhifdhifasho, tantoomiyo haraati, haddana waxaa laga yiri “Naa bal eega xujadan indhihiyo dhegaha la’ naa mee dabkaan kuu diray iimaanka tufto, ma carruur baad tahay markaad eyda ka soo cararaysid, sowtii la lahaa reer baadiyuhu ma baqaan oo waa bahalo dile. Maryan iyadu magaalada ka hor weligeedba ey may arag dhegta inay ka maqasho mooyaane.
Maryan iyadoo qayladii eydu maskaxdeeda ka qaylinayaan, laba jeerna ay sastay ayay mar saddexaadkiina dil iyo dibindaabyo la kulantay. Xanuunkii, gaaray darti ayay qaylisay, oo ay tiri “Alla lumayeey, a, a, a, a, alla eeddo alla eeddo.”
“Eeddadaa iyo aabbahaaba … goormaan eeddada u noqday waxan xunee aan wax dhalayba la aqoon, dadyowga islaameed baaba run moodi doona. Naa orod dab noo doon. Naxdin baa haysaye hadday dilid u dheer tahay bay mar labaad dibadda is dhigtay. Sidii oo kalay inta hadba dhan eegtay, iyadoo eydiina ka baqaysa sideedabana u baydadsan, waxay u kuur gashay cidihii deriska ahaa oo ay dhegdhegeysatay bal inay inta tooseen dab shiteen. Wax dhaqdhaqaqayaase ma jirin.
Siddeedii bay meel cidla ah is liqdaartay oy is tiri isaga sug halkan ilaa la kaakacayo. Meeshu waxay ahayd reer duleedkii. Cabbaar markay taagnayde ay ku daashay bay iska fariisatay ilaa ay ugu dambaystii hurdo dhag tiri. Daal iyo dacdarro dheeraad ahee hayey daraaddood bay halka uga tagtay.
Afadii dirsatay baa sugi wayday; kadib markay aragtay in qorraxdiiba soo baxday, bay inta iyadii soo baxday waxay ka eeg- eegtay meelihii ku dhawdhawaa. Qorraxdu marka in caday joogtaa. Afadu iyadoo dhan dab ka dooneysa dhanka kalena Maryan ka baadi goobeysa bay cid daris ahayd u soo laabatay oy tiri, “war reer islaameed ma barideen, dab ma haysaan, middii xumayde baase nala joogtayse ma aragteen?”
“Haayoo waa la baryaye, idinkuna ma cawo barideen? Dab waa yaallaye halkaa ka qaado. Inantii ma aannu arag noomana soo laaban, ma xalay bay dhaxday? Hadalkaa waxaa yiri afadii guriga
lahayde oo iyadu la socota dhibta dhex taal Maryan iyo reerkay la joogto.
Afadii intay dabkii qaaday bay iyadoo sidii u habaartamaysa dariiqii dib ugu laabatay, “Bal xaggay aaddey iimaanka laga qaad. Belaayo korso sidanay leedahay. Allaylehe ballan waxaan ku qaaday inaan kaa jaro, adigu ama dhuumo ama iska daayo, sow kolley kuma heli doono”.