Q1aad sheekada luga gorayo

Waxaa jiray boqor Soomaaliyeed oo caan ahaa oo ka talin jiray degaanka Jigjiga caasimadda u tahay.  Waxaa boqorkaa la odhan jiray Garaad Wiilwaal wuxuuna ahaa nin aragti soofaysan, aftahanimo, iyo hogaamin aad u heersarraysa Alle weyne ku manaysatay.  Wuxuu dagaal galaa-bixin jiray niman Galla ah oo uu dhul badan ka furtay.  Wuxuu ahaa nin weedhiisu ka socoto degaanka u dhexeeya Herar iyo Jigjiga iyo dhulalka dariska la ah.  Colaad iyo nabadgelyaba wuxuu ahaa hormuud Soomaaliyi ku dhaarato gabyaa culusna ah.  Saldano taam ah iyo tol aad u tanaaday oo xoog badan markii uu isku hubsaday ayuu is cajabiyey oo wuxuu isku qanciyey inaan Bartire nin la aragti ah ama kusoo dhaw ku jirin.

Sidoo kale waxaa jiray wiil dhalin yar oo qeyrada Garaadku ka dhashay ahaa Illaahayna dadka wax walba uma siminee ku manaystay bidhaan, hadal macaan, aftahanimo, iyo garasho heersare ah.  Cali ayuu ahaa magaciisu.  Wuxuu Cali caashaqay haweenay ka mid ahayd haweenkii Garaadka oo uu wacad ku maray inuu wax walba oo aan dhiig-sokeeye ahayn oo ay ku qaadataba mar guri haweenaydaasi xaas ka tahay yagleelo.  In muddo ah wuxuu ku taamo siddii dabin mar haweenaydaa uu kula kulmo uu qooli lahaaba, habeenkii dambe ayuu ku guulaystay inuu la kaliyeysto oo haasaawe aan kala go’ lahayn iyo ‘hadal beenta ka fiican runna raad ku lahayn’ la qaadaa-dhigay.

Mar saddexaad, waxaa jirtay xaaska Garaadka ee Cali jeclaaday oo ahayd haweenay aragti fog Garaad Wiilwaalna u ahayd dhidib adag, mar walba halkii uu goldaloolo ka yeelan karaba u tilmaanta, xasarad walbana u marta siddii saygeedu ugu nagaan lahaa saldanada Bartire islaweyni iyo qab ragna uusan sabab u noqonin burburka boqortooyadan balaadhan.  Waxaa u muuqatay muhiimadda ay boqortooyadu u leedahay tolkeed oo colaad af-dhiige ah hareeraysay iyo in hogaamiye sida odaygeeda adag aysan ka maarmin.  Sida aad sheekadaba ka dheegan doonto, waxay ahayd gabadh aan ragga waxba u ogayn dhinac walba oo aad ka eegto kuna habboonayd inay Garaad Wiil Waal u dhaxdo.

Inkasta oo ay garashada qofka Soomaaliyeed ku adagtahay in shaqsi kale udub dhexaad u noqdo sheeko Garaadka magaciisu ka dhex yeedhay, haddana waxaa xaqiiqo ah inay lama huraan tahay in Cali lagu hormaro si qodbaqaadka sheekadu u hagaago.