Qodobo xidhmaanyo ah

Waxaa isku hal-xidhaaleeyay laba nin oo aftahamo ah

Mid baa wuxuu yidhi:-

Wax gaaban oo gaaban oo waliba guuxaaxsan

Oo garab haddii loo ridana garab u toosaynin

Oo gool haddii loo qalana gulubi reebaynin

Haddaad gabay nin geesiya ku tahay gada ka higgaadi

gabyaagi kale ayaa furay oo sidan ugu jawaabay:-

Wax gaaban oo gaaban oo waliba guuxaaxasan

Oo garab haddii loo ridana garab u too saynin

Oo gool haddi loo qalana gulubi reebaynin

Waxaad ii gabaangabi miyaa gaabanaw dhari ah