Q-20aad taxanaha adeegto

Maryan waa war moog hurdo ku haysato meel aan kadheerayn afada hiiftanka iyo habaaranku xiijiyeen. intuba inta ka dhaqso lehe, waxa haddiiba soo foofay ilmihii reerka. lyagoo is cayrsanaya, garangaro iyo kubaddana isku hays haysta ayay la soo gashay duleedkii Maryan jiiftay. Mid garangar cayrinaya ayaa kuba turaanturooday Maryan oo jiiftay. Lawyada ayuu ka murmurxay. Inta jafjaftay oo istaagay buu dib u soo eegay, uu soo eegayey maahee wuxuu arkay Maryan oo iyana intay naxday meeshii ka sii xaaxaabsanaysa. Yarkii oo horay u ogaa in la doondoonayey ayaa ma joogoogsane inta, isagoo af labadii ooyaya, orod isqaaday hooyadii hoosta ka galay, “A aha, a ha, a ah, hooyo Maryan baa i dishay baa i dhishay aniga maxay iga rabtaa, fiiri dhiigga iyo waxa iga soconaya.”

Habartii baaba kala heli weyday Maryan baa wax dishay oo meelahan joogta, cid kalebana ha dishee wiilkeeday dishey. Iyadoo hadalkii ka soo bixi laayahay bay waxba wiilka may wediin meelay joogtee inta soo tafa xaydatay irridda soo boobtay. Wejiga markay keentay baa Maryanoo indhaha marmaraysa si walbana khabaar moog u ahi gacanteeda midig gashay. Way soo qabatay gudahana u soo gundhisay. Way sii jiidatay oo inta ka xurduq-xurduqsiisay waxay la tagtay jikada dhexdeeda. Intay sii waddey may hadlayn. Maryan iyadu weli wax may fahmin, waxayse u deysatey in lagu haysto maqnaansheheeda. Afada bushinteeda hoose ayaa qamuunyo kala goysay, lafahuna si fiican bay u xaydan yihiin waxayna kala heli laadahay siday u dili lahayd Maryan.

Markay jikadii ku hubsatay bay meel kale ma qabane cunaha dig tiri cabbaar bay haysay oy neef iyo dhaqdhaqaaqba u diidday. Afadu Maryan aad iyo aad iyo bay uga tabar iyo taagba roonayd. Waxay ahayd islaan intii markii hore laf u dhalatay haddana hilib iyo itaal dheeraad ah leh.

Maryan way ku caddaatay. Xaggay isu gundhisay oo xagga isu gudhisay mise gannaxna, oo si awalba looga itaal badan. Inta la hantiyey bayan sinaba u nuuxsan karayn. Hadday hadal iyo qaylo samayn lahaydna dhuuntaaba xiran. Waxaas oo dhan waxa uga daran oy lahayd oo lagana xayiray ogsijinkay ku noolayd iyo neefsashadii caadiga ahayde naftu ku socotay.

Intii way indha caddaysay oo soo itaal yaraysay, afadu garatay in wax iska baddeleen Maryan, ha yeeshee weli habartan, hiiftan iyo dhaar bay waddey, gacmahay ku hayseyna, waxba ma dabcine way ku giigsanaayeen, “Bal najiska ubadkiisa dhogartiyo dhalanka xun baa maanta cabdifataax ka oohisey! sidee bay taasi ku dhacdy, waaba ma dhacdee. Allaylehe haddaan maanta naf kaaga tago wa anoon dad ahayn! Wacalad xunee daahuun ah intaan korsannay bay haddana sidaa noola macaamilaysaa afadii baa hadalladaa xanaaqa iyo hanjabaadda miiran ah lahayd.

lyadoo weli sidii ugu maran wajigeedana eegeysa bay aragtay indhihii Maryan oo soo xinjiroobaya, dhiignameelo badan kagasoo aroorayo iyo indheheedoo sii damaya. Intay yare naxday oy istiri, malaha way dhiman rabtaa, bay iska sii deysay. Maryan oo kol hore miyir beeshay ayaa markii la sii daayey, illeen awalba iyadu caga kuma taagneynoo kor baa bela u sidataye bay sidii meyd la tuuray dhulka u gashay.