Cali afadii Garaadka waa kii jeclaaday. Wuxuu sheedda ka ilxoolaadiyaba habeenkii dambe ayuu sida kor ku xusan badheedhihiisii caddaystay. Naa dee waan ku jeclahay oo adiga ayaan dumar kaa calmaday haddii aadan wax ila qabanna halis ayaan ku jiraa! Intaa dumar Ilaahay badiyey mid aan adiga ahayn oo aan sidaa u eegaayi ma jirto. Sidaa awgeed nin dhalin yar oo ku dhaqan kara maskax iyo maalna Ilaahay siiyey ayaan ahayee ‘ha i diidin waa anigaa ku jecel sida dhashaadiiye’ ayuu wax qalqaashaday. Haweenaydii haye iyo hawraarsana ma odhan hah iyo hoogayee muxuu yidhi, naa yuu imooday toonana ma odhan. Hadal aflagaado laga dhawray diidmo qayaxanse ah ayey ku yuubtay. Waxay damacday inay dhinacyo badan wax ka tusto iyadoo waliba rabta inay ka gun gaadho damaca xiiraya ee Cali.
War miyaadan ogeyn inaan Garaadka xaaskiisii ahay? Oo miyaadan naftaada uun u baqaynin wax walba oo kale haddii aad xeerin weydo? Miyaadan wiilkaa yar ee xariirta ah ahayn, oo dumar taad doontaba ka heli karin? Maxaad ku doontay haweenay nin kale u dhaxday? Miyaan gabdho turaabtaa ahayn see wax yihiin? Hadalo aan sidaa iyo si u eg ku qiyaasay ayey gabbaad ka dhigatay oo ku bushisay damacii Cali. Nin meeli u caddahay meeli ka madow baa la yidhiyee, Cali caqli celintaasi ma kaafiyin. Naa waxaa ka bax oo waan ku rabaaye anigaa arinta maarayn doona ee ha i diidin oo mar uun haye afkaaga ha ka yeedho ayuu soo celiyey?
Waxaad moodaa Cali inuu aad ugu dhagganaa fikir raggii xilligaa noolaa badankiisu qabay oo ku salaynaysnaa maahmaahdii isla iyagaasi sargooyeen ee ahayd “kas naageed oo kadaloob rag kaaga dambeeyey kaad ogayd ma aha.” Inkasta oo haweenayda rabitaankeedu caddaa, wax damac ah oo ay u haysay Calina uusan jirin, inay markaaba ku dalbato rag u dhaganugul fulinta amarka Garaadka si ay abaalkii uga waraabiyaana awooday, si kale ayey maaganayd. Waxay rabtay darsi lama iloobaan ah in odaygeeda ka barto dhacdadan. Calina isaga oo ay maahmaahdaa khaldan maddaxiisa ka guuxayso, kartidiisa iyo hadal wanaagiisana ku kalsoon ayuu in badan abla-ableeyey siddii uu gabadha madaxeeda minjo oogu roggi lahaa.
Jilibka ayuuu xodxodasho u aastay. Wax la haasaawaba goortii in la kala hoydo loo hogbaday ayey waxay dacal go’ii uu hullaabnaa ka mid ah marisay asal si ammaarad barri loogu garto ay u noqoto.