Xidhmaanyo

 Waa hal-xidhaale dhex maray Abwaan la yidhaahdo Daahir Cali Nuur Allaha u raxmee iyo nin sheekh ah oo isna gabyaa ahaa.

Sheekhi: 

Dululaati hadlaaya daahirow ma taqaan?

Dudun boodh laga maydhi daahirow ma taqaan?

Caddiin aan dux lahayn daahirow ma taqaan?

Gaaja caana la diidi daahirow ma taqaan?

Al-baqriyo idaajaa inta deel u dhaxaysa daahirow ma taqaan?

Abwaan Daahir Cali Nuur ayaa hal mid mooyaane intii kale wada furay, wuxuuna yidhi:-

Daahir:

Dululaati hadlaaya, waa Rikoodh.

Dudun boodh laga maydhi, waa dhallaanka.

Caddiin aan dux lahayn, waa cillanka.

Gaaja caana la diidi, waa haweenayda umusha ah.

Al-baqriyo idaajaa inta deel u dhaxaysa, Ilaah baa iga yaqaan.