Indhuhu way jilladnaayeen oo dhiig xinjiro ah baa caseeyey, afku laba taakuu kala joogey. Wax naf ama nolol ahoo ka muuqday ma jirin. Marka ay dhacayseyba afkay ciidda gashatay iyadoo wax naf baxay mooye tilmaan kale ka dheer. Afkay dhulka ku dhufsatay wuxuu kaloo u keenay in ilkaha hore dhawr ka mid ahi ka daateen, maxaa yeelay, afadii mirjisay ayaa markay sii deyneysey intay horay u soo dhufatay xoog iyo degdeg isaga sii deysey. Ilkaha daatay markaa lama ogee waxaa lagu ogaadey waxaa la arkay dhiig qolqolaya meeshay afka ku haysaye gabiib adag oo dhagxan iyo shamiinto isku dhafan ahayd.
Afadii wax dileysaye, habaarameysey ayaa inta naxdini yare soo ballaysay waxay sheegto garan weydey ishana waxay ka daawatay Maryan oo iyada wax naf baxay ula muuqatay. Cabbaar bay ag taagnayd oyan waxna oran wax dhaqdhaqaaq ahna samayn. Muuqaalkii meeshaa yiil wuxuu u ekaa libaax inta hal dilooday dultaagan in uu taabtana ka maagaya dareen galay daraaddii.
lyadoo weli sidii xaajo tahay oo afadii naxdin la qallalan tahay Maryanna weli afka ciidda kula jirto ayaa waxaa soo baxay ninkii reerkoo shaqo u socda. Isagu war moog buu ahaa. Markuu dhaafayey ayuun buu si sahlan isaga daymooday. Wuxuu isha ku dhaftay labadii qofee weli sidii ah. Inkastuusan sidaa wax u garan haddana wuu shakiyey kadib markuu arkay sida aan caadiga ahayne Maryan u kala taal. Isagoo taa qaadan laa ayuu isha la soo raacay afadiisii taasoo iyana shaki sii galisaye uu arkay inayba rognayd. Isagoon wax hadal ah la soo tinnaagoon buu inta soo dhaqaaqay labadoodii dul yimid. Afadu lamaba socon ninkeeda u yimidee waa lagaga weynaa. Maryan buu hoos u daymooday, arag inayan samayn. Afadiisii ood magalooti mooddo buu garabka ka taabtay. Mar alla markuu taabtay bay cirka u boodday oo sidii wax aragagaxay heerweyn oodda ka soo qaadday, hadalna waxay ku tiri, “Anigu ma diline iyadaa iska dhimatay. Maya, maya, mayee aniga maahee yaan laygu khatalmin, Alla naftu hawl yaraa
Ninkii isna waa shakiyey oo inta wax kala saari waayey cabbaar meeshii taagnaaday. Arag dhiigga hoos dulundulcaynaya Maryan, taasoo uu u qaatay in mindiyo lala dhacay. Afada indhuhu galkay ka soo baxsanayeen naxdin iyo yaab dartii. Ninkii intay ka firirtay buu wuxuu yeelaba garan laayahay. Mar dambe ayuun buu inta hal adayg iska baaray is yiri eeg in nafi ku jirto iyo in kale, wuu soo foorarsaday oo wuxuu ka taabtay jalaqleyda si uu u ogaado wadneheedu inuu shaqaynayo. Uu qabanayey maahee wuxuuba maqlay neeftuurkeeda. Gacantii buu degdeg u sii daayey oo kulligeed inta soo qabtay awal afgembi bay u tiile dhinac u rogey. Waxaa soo baxay afkeedoo awal qarsoonaa kol hore inta xinjire hareereeyeen wax lagu tilmaamo aan la garanayn. Bushimihii dildillaacay intay kol hore barareen bay carroo dhan awdeen. Garka iyo bushinta hoose waxaa u saarsaarraa ilkihii jajabay jajabkoodii walowba qaar weli afka ugu jiraan. Dhammaan wejiga iyo laabtaba dhiig baa dhaamay, dhar ku sheegay qabtayna wuxuu ku dhejiyey jirkeeda.
Isagu markuu rogayey ayuu dareemay inay miyir laadahay, maxaa yeelay, inkasto ay noolayd haddana nafi kama muuqan dhankuu u rogey u balaq tiri.
Wuu sii taataabtay si uu u ogaado bal dhaaweceedu intuu halis le’eg yahay. Wuxuu ku warwareegaba wuxuu ogaadey inay halakaysan tahay ilaa iyo markaana miyir laadahay.
Waxaa ugu darraaye uu ka baqayey dambiga reerkiisu galay iyo siduu uga moosi lahaa. Wuu fekerey oo is yiri, “haddaad cisbitaal geysid sow la oran maayo qofkii qofkan dilay ha la keeno, haddaad iska daysidna sow idinkuba naf baxdee hadhowna kaba cuslaatee.