Dalka colombia waxa loo yaqaan jamhuuriyada dalka colombia waxaa uu kuyaalaa koonfurta qaarada Ameerica. Waxa uu xuduud dhuleed la leeyahay wadamada Brazil, Panama, Venezuela, Ecuador iyo Peru.
Sidoo kale waxa uu dalkani xuduud dhanka badda ah la leeyahay wadamada costa rica, Nicaragua, Honduras, Jamaica, Dominican republic iyo Haiti.
Caasimada wadankan waxa layidhaahdaa ‘Bogota’ oo ah magaalada ugu weyn wadanka.
Luuqada rasmiga ee colombia lagaga hadlo waa Spanish, waxaase jira ilaa 68 luuqadood oo lagaga hadlo wadanka.
Dalkani waxa uu madax banaanidiisa ka qaatay dalka Spain 20 bishii july sanadku marku ahaa 1810-kii hasa ahaatee waxa la aqoonsaday 7 August 1819-kii. Dastuurka dawladu ku shaqayso waxa la qoray 1981-kii.
Tirada dadka kunool colombia waxa lagu qiyaasaa 48 milion oo ruux.
Gaadiidkuna waxay isku dhaafaan dhanka midig waxa uu kamid yahay 17 wadan ee ugu dhulka weyn.
Calanka wadanku waxa uu ka kooban yahay sadex midab oo kala ah huruud, buluug iyo casaan.
Qoomiyadda ugu badan ee dalka daga waxa la yidhaahdaa Mestizo iyo dadka cadcad oo bulshada wadankaasi ka ah 86% halka bulshada madowgu yihiin 10.6
Taariikh yahanadu waxay sheegeen in dalkani oo qarniyo ka hor ladagay ay dageen dad Spain ah sanadku markuu ahaa 1499-kii.
Magaca colombia waxa baxshay dhulmareenkii la odhan jiray christopher colombus, waxa uu micno ahaan noqonayaa Dunida cusub.
Dhaqaalo ahaan dalka colombia waa dalka 4aad ee ugu dhaqaalaaha badan wadamada latin ameerica laysku yidhaahdo inkastoo dadka u badan wadankaasi ay fuquro danyar ah yihiin.
Dalkan waxa ku yaala masjidka sadexaad ee muslimiintu ku leeyihiin wadanada laysku yidhaahdo Latin america. Masjidakan waxa lagu magacaabaa “Cumar binu khadaab”, waxa la dhisay masaajidkan sanadku markuu ahaa 1997-kii waxa markiiba ku tukan kara kun qof, waana xarunta ay musliintu ku kulmaan ee dalka colombia. Islaamku waxa uu gaadhay dabayaaqadii qarnigii 19aad iyo bilowgii qarnigii 20aad.
Waxaana geeyay dad ka tagay wadamafa Syria , Lebanon, Palestine, waxaana tirada dadka muslimiinta lagu qiyaasaa 14.000 ruux.
Xaga cunada waxa aad looga cunaa dalagyada labeero hilibka xoolaha iyo kaluunka waxa se laga jecel yahay bur la dubay oo u eeg qaabka sabaayada waxana marka wadankaa la joogo loo yaqaanaa ‘arepa joorizo’.
Ciyaar yahanada ugu caansan aduunka ayaa ka soo jeeda waxaana ka mida ‘james Rodriguez’
Waxa aad looga jecel yahay ciyaaraha kubada cagta, xulka qaranka ee wadankaasi dhowr jeer oo ay ka qeyb galeen ciyaaraha aduunka weligood ma qaadin koobka aduunka hasa ahaatee ciyaar yahanada dalkaasi waxay 2001 ku guuleysteen koobka loo yaqaan ‘cupa ameerica’.
X/Hadh macaan news