Faantan

Faanku waa ammaan aan sinaba u habboonayn, oo mararka qaarna la adeegsado. Waxaa is faaniya qof sheeganaya, geesinimo, khibrad, sharaf, deeqsinimo, Nasabnimo IWM. Inta badan gabyaaga ayaa sheegta in isaga mooyaane cid si fiican u maansoon kartaayi aysan jirin.

Tusaale ararta gabayga ama maansada uu gabyaagu ku araranayo waxay u badan tahay Faan aan wax badan ka jirin. Lama yaqaanno gabyaagi billaabay Faantanka, balse waxaa jira maansayahanno ku caan ah ararta faanka ah.

Xirsi Boqon nin la odhan jiray ayaa tiriyay gabay uu ugu faanayo in uu Raage Ugaas isagu ka maansoyahansan yahay. Wuxuu yidhi:-

“Hadda Raage Oday buu noqdoo ka amar weynaaday

Ardaydaan ka tagay buu ahaa Alif billawgiiye

Albaqrana ma gaadhine hadduu dhigan Idaajaaye”